Sheekh Shariif Oo Qorshaynaya Inuu Kala Diro Xukuumadda Raysalwasarihiisa

1
534

 

shariifMuqdisho(Geeska)-Madaxweynaha dawladda ku meelgaadhka ah ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa la sheegay inuu qorshaynayo inuu kala diro golaha xukuumadda ee Raysalwasaare Cabdiweli Gaas, ka dib markii uu labadooda khilaaf soo kala dhex galay.

 

Sheekh Shariif, ayaa la sheegay inuu ka cadhooday munaasibad uu Mr. Cabdiweli Gaas sameeyay salaasadii oo uu ku soo bandhigay murashaxnimadiisa madaxweynaha Somaliya, taas oo ay ka qayb galeen inta badan ee golihiisa wasiirada iyo ku xigeenadiisu, waxaana la sheegay inuu Sheekh Shariif go’aan ku gaadhay inuu kala diro golaha xukuuumadda islamarkaana uu magacaabo Raysalwasaare cusub oo hawsha sii wadda mudada ka hadhsan 20 August oo ah wakhtiga ay ku meelgaadhnimada dawladiisu dhammaanayso, waxase la sheegay inuu arrintan baajinteeda ku dedaalayo ergayga Qaramada midoobay ee Somaliya Mr. Augustine Mahiga.

Geesta kale, Cabdiweli Gaas ayaa la sheegay inuu isna qaatay go’aan ah inuu qaadaco go’aanka Shariif uu ku kala dirayo xukuumadiisa. Labada masuul ayaa si rasmi ah isugu dhacay toddobaadkan ka dib markii uu Sheekh Shariif ka soo cadhooday shir Nayrobi uga socday kooxda loogu  yeedho saxiixayaasha qorshaha nabadda oo uu xubin ka yahay.

Comments are closed.