Madaxweynaha Masar Oo Xilkii Ka Qaaday Taliyihiisii Sirdoonka

0
518

 

mursiQaahira(Geeska)-Madaxweynaha dalka Masar Mr. Maxamed Mursi, ayaa xalay xilkii ka qaaday taliyihiisii sirdoonka, badhasaabkii gobalka Siinay, ka dib weeraro dhawaan lagu qaaday Sinay oo lagu dilay 16 askari.

 

Madaxweyne Mursi, waxa kale oo uu xalay xilkii ka qaaday wasiirkii gaashaandhiga Mr. Xuseen Tantawi si uu u bedelo taliyaha Booliska, iyo taliyihii ciidanka ilaalada madaxtooyada. Xil ka qaadista Madaxweyne Mursi ee taliyihiisii sirdoonka ayaa waxa loo aanaynayaa weerarkii ay dhawaan kooxaha xag jirka ahi ku qaadeen deegaanka Sinay oo ay ku dileen askar ka tirsan dawladda Masar. Gobalka Sinay oo ay tan iyo markii xilka laga qaaday Madaxweyne Xusni Mubaarik qalalaaso badani ka jireen, waxay shalay ciidamada Masar gobalka Sinay ku qaadeen weerar cir iyo dhul ah oo ay ku baacsanayeen kooxo ay ku tuhunsanyihiin dilkii askartooda .

Warsaxaafadeed laga baahiyay telefishanka Masar, ayaa lagu sheegay in ciidamada Milatariga iyo Boolisku iska kaashadeen weerar cir iyo dhul ah si ay u soo celiyaan degenaanshihii iyo xasiloonidii Siinay.