Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helay Qaabkii Uu U Dhacay Dilkii Madaxweynihii Hore Ee Yemen Cali Cabdalla Saalax

51
3165

Sanca (Geeska)- Warar dheeraad ah oo laga helay dad xogogaal u ahaa dilkii madaxweynihii hore ee Yemen, ayaa daaha ka rogay qaabka uu u dhacay dilkaas oo aan illaa hadda xog fiican laga haynin. Xogtani waxa ay caddaysay qofkii dilay Cali Cabdalla Saalax iyo saaxiibkii Caarif Sawkaan bishii laba iyo tobnaad ee sannadkii 2017, iyo in lagu dilay gudaha magaalada Sanca ee caasimadda Yemen.

Abu Bakar Alwashli oo ahaa ergey maalintan dadaal dhexdhexaadin ah ka dhex waday Cali Cabdalla Saalix iyo Xuutiyiinta oo markii hore xulafo ahaa laakiin markan aad isu khilaafsanaa, ayaa sheegay in Cali Cabdalla Saalix iyo saaxiibkii qofka toogtay uu ahaa hoggaamiye ka tirsan Xuutiyiinta oo baastoolad isticmaalayey.

Shabakadda Almash-had Alyemeni oo xogtan faafisay ayaa baahisay, “Dilka waxaa loo adeegsaday baastoolad nooca Ruushku sameeyo ah. Waxa aanu ka dhacay meel 100 mitir u jirta guriga Cali Cabdalla Saalax ee ku yaallay degmada Kamiim. Guriga ayaa uu ka soo baxay isaga oo gaadhigiisa saran, waxa aana la socday gaadhi kale oo ay saarnaayeen ergada dhexdhexaadinta ahayd. Gaadhigan ergada waxa kale o osaarnaa hoggaamiye Xuutiyiinta ka tirsan, oo ah ninka rasaasta ku riday Cali Cabdalla Saalax. Kaddib markii uu taleefanka kala soo hadlay afhayeenka rasmiga ah ee Xuutiyiinta Maxamed Cabdisalaam oo amar ku siiyey in uu toogto madaxweynihii hore”

Warku waxa uu sheegay in muuqaalka la faafiyey ee muujinaya in Cali Cabdalla Saalax lagu dilay deegaanka Sanxaan loo yaqaannaa ay ahayd masraxiyad ay Xuutiyiintu sameeyeen, kaddib markii ay maydka Cali iyo gaadhigiisa geeyeen halkaas si loogu ekeysiiyo in halkaas lagu dilay. Hoggaamiyaha guud ee Xuutiyiinta Cabdalmalik Alxuuti ayaa bixiyey amarka ahaa in deegaanka Sanxaan la geeyo maydka Cali, dadkana la moodsiiyo in halkaas lagu dilay. Waxa aanu uga jeeday in uu uu ku cabsi geliyo dadka deegaankan iyo qabiilka Cali Cabdalla Saalax ee deggen”

Yaasir Alyamaaniin oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha xisbigii Saalax ayaa isaguna mar sii horreysay wakaaladda wararka ee Sputnik oo Ruushka laga leeyahay u sheegay in Cali Cabdalla Saalix iyo saaxiibkii lagu dilay meel ku dhow gurigiisa Kamiim, kaddib markii ay ku wacad fureen sida uu sheegay rag ka mid ah hoggaamiyeyaashii xisbiigsa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here