Dugsi Ardayad Keliya Albaabada U Furay, Si Aanu U Lumin Xaqii Ay Dawladdeeda Ugu Lahayd Waxbarashada

47
5124

Belgrade (Geeska)- Dugsiga tuulada Dukat oo ku taalla koonfurta-bari ee dalka Seerbiya ayaa si la mid ah dugsiyada kale ee dalka oo fasax sannadeedkii ka soo noqday, waxaa albaabada loo furay bishan Sabtembar horraanteedii. Dugsigan oo arday la’aan awgeed aan 7 sano shaqayn, ayaa markan albaabada u furay waxbaridda ardayad keliya.

Fasal ballaadhan, oo hawo fiican leh iyo dugsi guud ahaan ay ka muuqato in kharash badan la geliyey dhismihiisa hore iyo qurxintiisa ayaa jaraskiisa loo garaacaa Nikolina Nikolic iyo macallimadeeda kelida ah ee Milica Mikic. Nikolina waa qofka keliya ee tuulaha Dukata ku nool ee subaxda hore u kacda waxbarashada oo tahay fasalka koowaad. Maamulka waxbarashada ee degaankani waa ay ogaayeen in gabadhan oo keliyi illaa hadda diyaar u tahay waxbarasho, iyo in sannadka dambana ay jiraan laba arday oo iyaguna gaadhi doona da’dan dugsi qorista, sida oo kale waxa ay ogaayeen in tan iyo sannadka 2020 deegaankan laga heli doono laba arday oo keliya oo da’da waxbarashada gaadha, taas oo ka dhigaysa in illaa 2020 ka uu dugsigu yeelan doono shan arday oo keliya, oo weliba kala fasallo ah. Iyada oo ay duruufahaas oo dhami jiraan haddana waxa ay masuuliyiintu go’aan ku gaadheen in aan la jebin sharciga dalka ee dhigaya in ilma kastaa uu ku qasban yahay waxbarashada dugsiga hoose in uu maro iyo in ilma kastaa uu dawladdiisa xaq ugu leeyahay waxbarasho.

Macallimadda Milica Mandic waxa ay aaminsan tahay in ay ku guulaysan doonto in ay ardayaddan soo saarto, iyada oo ku rajo weyn in ay ardayaddani noqoto macallimadda iyada beddeli doonta, oo dabcan sideeda oo kale saaxiibbo la’aan ku noqon doonta shaqadan. Macalimaddu mar ay la hadashay wakaaladda wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga waxa ay sheegtay in ay intii awooddeeda ah ka shaqayn doonto sidii ay ardayaddeeda uga ilaalin lahayd in ay wheel la’aan dareento.

Nikolina aabaheed iyo hooyadeeda Ivan iyo Jelica ayaa iyaguna sheegay in ay ku faraxsan yihiin in dugsigu inantooda oo keliya albaabada u furo, iyaga oo muujiyey sida ay ugu faraxsanyihiin in inantoodu ay agtooda wax ku baranayso. “In ay inantaydu wax ku barato dugsi ku yaalla Dukat, ayaa ka fiican in ay tagto dugsiga tuulada nagu xigta oo 5 kiiloomitir jirta” ayaa ay tidhi, Jelica Nikolic oo ah gabadha dhashay ardayaddan kelida ku ah dugsiga. Iyada oo sheegtay in labadeeda carruur ah ee ku xiga inantan oo ah 5 jir iyo 18 bilood jir ay iyaguna soo kori doonaan si ay dugsigan wax uga bartaan sannadaha soo socda.

Masuuliyiinta waxbarahsada ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in dugsigani uu ardayaddan keliya u shaqaynaya, iyaga oo hoosta ka xariqiay in ay iyaga muhiimaddoodu tahay in ilme kastaa uu helo dugsi deegaankiisa ku yaalla oo uu gaadhi karo. Maamulaha waxbarashada hoose ee deegaankan, Dragan Rancic ayaa wakaaladda Beta Agency u sheegay in ay sida oo kale deegaankan ka jiraan dugsiyo sidan oo kale ardaydoodu u yar tahay, oo tusaale ahaan, waxaa jira laba dugsi oo waaweyn oo mid ku yaalla tegmada Tskovic uu hal arday oo keliyi dhigto, halka dugsiga kale oo ku yaalla Gornji Dragovelj ay laba arday oo keli ahi wax ka bartaan.

Dalkan waxaa ka jirta dhibaato ah in dadkii waaweynaa oo keliya lagaga tegayo dhulka baadiyaha iyo tuuleyaasha ah, halka dhalinyaraduna ay u digorogtaan nolosha magaalooyinka waaweyn, taas oo Meesha ka saartay in ay jiilal cusubi ku tarmaan dhulka baadiyaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here