“Boqortooyada Ingiriisku Waxay Ka Digaysaa Dhammaan Socdaalada; Marka Laga Reebo Hargeysa Iyo Berbera”

38
4034

Hargeysa(Geeska)-Wasiirul dawlaha dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka Barwaaqo sooranka Ahmed of Wimbledon ayaa sheegay inaanay xafiisyada Ingiriiska ee Muqdisho iyo Hargeysa muwaadintooda ku sugan Somaliland iyo Soomaaliya siin Karin taageero qunsuliyadeed, waxaanu sheegay in muwaadiniinta UK tagi karaan oo keliya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee Somaliland.

Waxa xildhibaan Baroness Tonge ay weydiisay Wasiir Lord Ahmed haddii ay inuun wax walaac ah ka qabto dawladda Ingiriisku isticmaalo xarumo dhaqan celin oo ay sheegtay inay ku yaalaan Soomaaliya oo lagu xareeyo carruurta Soomaalida ah ee haysta dhalashada Ingiriiska iyo waxyaabaha xarumahan lagu qabto. Wasiirka ayaa ku jawaabay “Boqortooyada Ingiriisku waxay ka digaysaa dhammaan socdaalada Soomaaliya marka laga reebo Hargeysa iyo Berbera. Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho iyo xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa hadda ma awoodaan inay taageero qunsuliyadeed gaadhsiiyaan Soomaaliya amd Somaliland.

Si aad u wayn ayay u xadidan tahay awoodda Ingiriisku u leeyahay inuu siiyo muwaadiniinta Ingiriiska ah ee jooga Soomaaliya ama Somaliland taageero qunsuliyadeed ama inuu si hubaal ah u ogaado hawlaha lagu qabto “xarumaha dhaqan celinta. ”

Hase ahaatee Safaaradda ku taal Nayrobi ayaa waa hore bixisay caawimo qunsuliyadeed oo xadidan taas oo ay ku jiraan dad hore u joogay “xarumaha dhaqan celinta.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here