War-saxaafadeed:- Xogtii Madaxweynaha Loo Gudbiyey Ee Furashada Ururada Siyaasada

3
924

 

kkkkkkkkkk

Hargeysa (Geeska) Guddiga ka soo tala bixinta ayaa qoraal ka soo saaray qaabkii loo soo uruuriyey xogtii ka soo baxday aftidii laga qaaday dadweynaha ee ku salaysnayd doonista iyo diidi furashada ururada siyaasada.

Guddigu kadib markii ay xalay kulan la qaateen madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxay soo saareen war-saxaafadeed ay ku shaaciinayaan rayigii bulshada laga soo uruuriyey, waxaanu halkan idiinku soo gudbin doonaa gobol kastaa aragtida uu ka dhiibtay in ururo la furo iyo isku geynta guud ee gobolada Somaliland qaabka loo kala aragtid duwanaa.

Guddigu waxay soo saareen war-saxaafadeedkan ee akhris wacan:-

Guddida ka soo tala bixinta furasahda Ururada Siyaadu waxaay Saxaafada u soo gudbinaynaa Warbixin kooban oo hordhac ah oo la xidhiidha Hawshii la noo xilsaartey oo ku saleysan tilmaamtii ku suntaneyd warqadii tirsigeedu ahaa SL/M/MG/O8/399/03011 kuna taariikheysneyd, 14.03.011 qodobadan soo socdana xambaarsanayd:

 

1.   (Cilmi Baadhis) Doodo iyo Rayi,ururin) la xidhiidha rabitaanka bulshada ee ururada siyaasada.

 

2.  Kasoo talo bixin baahida sharci ee ku geedaaman Ururada Siyaasada iyo Adkeynta hanaanka Dimiquraadiga ee ka hirgalay Jamhuuriyada Somaliland.

 

3.  Daraasad ku saabsan Duruufaha Siyaasadeed Dhaqaale iyo Nabadgalyo ee saameynta ku yeelan kara Ururada Siyaasada.

Haddaba Gudidu waxay gudashada xilkaa u martay Talaabooyinkan soo socda:

 

A.   Guddidu waxay isku martay Gobolada waaweyn ee Somaliland ee kala ah.

 

Awadal, Maroodi_jeex. Saaxil. Togdheer. Sool. Sanaag. Iyadoo markaa Doodo u qabatey qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ay kamid yihiin Hogaamiye Dhaqameedyada, Culimaa udiinka, Aqoonyahanka, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada, Jaamacadaha, iyo Guddiyo  horumarineed, Iyadoo Guddidu u qabatey dadkaa doodo lagu waydiinayo rayigooda lagana buuxiyey Foom ay kaga jawaabayaan (Haa) iyo (Maya) (Midnaba) iyo sababaynta in Ururada Siyaasiga ah la furo.

 

Foomamkaas aan dadka ka buuxiney oo halbowle u ahaa talo bixintayada waxaanu tiriney maanta oo ay Taariikhdu tahay 07/06/11 intii horena way noo xidhnaayeen si aanu uuga badbaadno kutiri kuteenka.

 

B.    Waxaa kale oo guddidu dhageysatay qoraaladii afar Sharciyaqaan oo ay u dirtay iney tallo iyo taxliil sharci soo siiyaan Guddida.

 

C.   Waxaa kale oo Guddidu warbixin la xidhiidha Siyaasada, Dhaqaalaha, Nabada, ka dhageysatay Haayadaha kala ah.

 

1.     Koomishanka Doorashooyinka Qaranka

2.    Akaademiga Nabada iyo Horumarka iyo

3.    Dallada Sonsaf

 

Haddaba Markii la tiriyey Cododkii laga soo ururiyey Muwaadiniinta Somaliland oo tiradoodu dhantahay 1769 oo qof. Waxay u kala baxdey sidan:

 

 

Gobolka

Haa

Maya

Midna

Total

1:

Maroodi_Jeex

190

302

11

503

2:

Togdheer

157

132

0

289

3:

Saaxil

91

94

5

190

4:

Sanaag

208

66

2

276

5:

Sool

185

39

9

233

6:

Awdal

171

104

3

278

 

Total:

1002

737

30

1769

 

Halkaas waxaa ka muuqda in bulshada rabitaankeedu ubatay in Ururada Siyaasada la furo sida ka muuqada shaxada sare.

Haddaba markay guddigu yeelatay doodo dheer iyo falanqeyn ku saabsan Duruufaha la xidhiidha  Sharciyada ,Geedi socodka Dimuqraadiyada, Dhaqaalaha, Siyaasada, Nabadgalyada Somaliland waxay ku tallo bixineysaa:

1.     In la qabyo tiro Sharuucda iyo Xeerarka Ururada Siyaasada, Xisbiyada, Doorashooyinka.

2.    Dhisida Guddi Joogto ah oo qaabilsan Diwaangalinta Ururada Siyaasiga iyo ku ilaalinta Dimuqraadiyada Xisbiyada Gudahooda.

3.    In  lagu talo galo Kharashyadii ku bixi lahaa Furashada Ururada iyo Doorashooyinka

4.    In wakhti 18 Bilood gudahood ah lagu hirgaliyo diwaangalinta Ururada iyo Qabsoomida Doorashada Deegaanka.

5.    In la sameeyo Xeerkii Xisbiyada Qaranka (Political Part Act)

 

Gabogabo

 

ka dib markii  aanu dhagaysanay talooyinka sharciyaqaano xeel-dheer u leh shuruucda dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqal insaanka,  dareenka iyo doonista qaybaha kala duwan ee bulshada JSL,  isla markaana dhunay sababaynta ay ku jaan gooyeen doonistooda, sidoo  kalena darisnay saamayn ay arintani ku yeelan karto qodobadan soosocda:

Ø  Ka mid noqoshada Somaliland ee Bulshada Caalamka

Ø  Kobcinta hanaanka Demcracy-ga

Ø  Xuquuqda Aasaasiga ee Muwaadiniinta

Ø  Fidinta Maamulka

Ø  Abuurista saaxad siyaasadeed oo loo simanyahay

Ø  Dhiirigalinta Dhalinyarada iyo Haweenka  ee ka qaybgalka hogaanka dalka

Waxay talada Gudidu soo jeedinaysaa  ku sooo ururtay  in lafuro Ururada Siyaasad  doorashadagolaha deegaan ee usoo horeysa, Golaha deegaanka ee maanta joogana waxa aanu ku talinaynaa in la kala diro lana magacaabo maayeero ku meel-gaadh ah.

 

       Allaa Mahd leh

 

 

Mgacyada Gudida                        Saxeexa

 

Suleiman Ali Korea             ——————————

Mahamed A/lahi Du’ale:     ——————————

Barkhad Jama Hirsi:           ——————————-

Suldan Axmed Daahir Muuse  —————————

Xildh. Mahamoud Hirsi Farah  —————————-

Maxamed Muuse Abees          —————————–

Canab Cumar Ileeye               —————————–

C/lahi Siciid Dheere                ——————————

Xasan Xuseen Codyare          ——————————–

Pro. Xusen Xasan Guleed      ——————————–

Dr. Maxamed Cismaan Fadal  ————————–

Amina C/lahi Axmed              ——————————

Khadar Nour Aw Cabdi          ——————————

Kaltuun Sheikh Xasan Cabdi    ———————————-

Jama Maxamoud Cigaal          ———————————-

Sheikh Almis Sheikh Yaxye       ———————————-

Comments are closed.