Madaxweynaha Somaliland Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Holland U Qaabilsan Yurub

0
1096

 

IMG_1142Hargeysa (Geeska) Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminaayo wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee arrimaha Yurub u qaabilsan wadanka Holland Mr Ben Knapen.

Wasiirka iyo madaxweynaha ayaa kulankooda ku gorfeeyey sidii Somaliland looga caawin lahaa arrimaha ay iskeed ugu talaabsatay ee ay ka mid tahay nabada, dimuquraadiyada iyo dar dar gelinta kaalinta deeqaha  ee uu dalka Holland Somaliland ka gaystay.

Kulanka uu madaxweynaha la qaatay wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee Holland u qaabilsan qaarada Yurub ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed, kaas oo uu nuqul ka midi soo gaadhay xafiiska wararka ee Geeska Afrika ayaa u dhignaa sidan:-

War-Saxaafadeed

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay wasiirka iskaashiga caalamiga ah iyo arrimaha Yurub ee wadanka Holland, Mr. Ben Knapen. 

Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uu si qoto dheer uga waramay horu-marka muuqda ee ka taabo-galay Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay, Arrimaha uu Madaxweynuhu sida gaarka ah u taabtay waxa ka mid ah horumarka xaga dimuqraadiyada, nabadgelyada iyo adeega bulshada, waxaanu tilmaamay baahida ay Somaliland u qabto inay iskaashi dhaw la yeelato dawlada Holland iyo wadamada kale ee beesha caalamka, gaar ahaan waxa uu madaxweynuhu tilmaamay in shacabka reer Somaliland ay beesha caalamka ka sugayaan in la siiyo ictiraaf caalamiya iyo iskaashi horumarineed oo dhinacyo badan leh. 

Madaxweynuhu waxa uu uga mahad-celiyay dawlada Holland kaalinta ay ka qaadato kaalmada ay Somaliland dibada ka hesho, gaar ahaan taageerada dawlada Holland ay siiso golaha wakiillada, golaha Guurtida iyo ururada bulshada ee Jamhuuriyada Somaliland. 

Dhinaca kale, Wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee dawlada Holland Mr. Ben Knapen waxa uu ka waramay sida ay dawlada Holland u danaynayso una soo dhawaynayso dedaalka, horumarka, dimuquraadiyada iyo nabadgelyada ka taabo-qaaday Somaliland oo uu ku tilmaamay mid tusaale u noqon karta wadamada soo koraya. 

Waxa kale oo uu Wasiirku ka hadlay sida ay xukuumadiisu u doonayso in ay kordhiso iskaashi dhex-mara labada wadan gaar ahaan dhinacyada kobcinta dhaqaalaha iyo nabadgelyada. 

Wasiirku waxa uu carrabka ku dhuftay in booqashadiisani ay muujinayso ixtiraamka iyo soo dhawaynta ay beesha caalamku u hayso guulaha shacabka reer Somaliland, wuxuuna sheegay in dawladiisa ay ka go’an tahay inay isbarbar-tagaan dedaalka ay Somaliland ugu jirto horumarinta dhaqaalaha, nabadgelyada iyo dimuqraadiyada. 

Dhinaca Xukuumada waxa Madaxweynaha kulankan ku wehelinayay Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka Arrimaha Dibada, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, iyo Chief of Cabinetka Mudane. Xirsi Cali Xaaji Xasan. 

Dhinaca Weftiga waxa kulankan wasiirka ku wehelinaayey Safiirka wadanka Holland u fadhiya dalka Itoobiya, Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Holland, Safiir ku xigeenka dawlada Holland u fadhiya wadanka Kiiniya, la taliyaha wasiirka Arrimaha Dibada ee Holland, Afhayeenka Wasaarada khaarajiga Holland iyo diblomaasiyiin kale oo ka tirsan dawlada Holland.

 

ALLAA                         MAHAD                             LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Wargeyska Geeska Afrika