War Deg Deg Ah: Abwaan Gaariye Oo Ku Geeriyooday Dalka Norway

0
616

 

50253_338874468975_5728320_nAlle ha naxariistee waxaa xalay cisbitaal ku yaala dalka Norway, gaar ahaana caasimada Oslo ku geeriyooday Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo ka mid ahaan hal abuurka iyo aqoonyahanka Somaliland.

 

Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye Alle ha u naxariistee wuxuu mudo arrimo caafimad u joogay dalka Norway, halkaas oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayey.

Maxamed Xaashi Dhamac wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii Somaliland dhidibada u taagay ee ka soo qayb qaatay halgankii dib u xoraynta Somaliland.

Taariikhda iyo waayihii kala duwanaa ee uu soo maray Marxuum Gaariye waxaanu idiinku soo gudbin doonaa qaybaha danbe ee Radiohormuud.