Madaxweyne Xigeenka Oo Furay Shir Ku Saabsan Horumarinta Manaahijta Gobalka Geeska Afrika

0
553

 

ku xigeenkaHargaysa( Geeska)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylaci, ayaa si rasmiya  u furay shir lagag hadlaayay horumarinta  manaahijta waxbarashada ee dalalka Geeska Arika.

 

Shirkan ayaa ah mid muddo afar maalmood ah ka socon doona magaalada Hargaysa, waxaana soo qabanqaabiyay Munadama Dacwatul Islaamiya oo kamid ah dugsiyada waxbarashada ee Somaliland oo sida oo kale ka jira shan dal oo Geeska Afrika ah.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylaci oo furitaankii kulankaas hadalo kooban ka soo jeediyay ayaa ku ammaanay horumarinta manhajkan waxbarasho ee Geeska Afrika, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in mudadaas afarta casho ah inay soo jaangooyaan hadaf midaysan oo ay ku qaabilayaan manhajka waxbarasho ee Geeska Afrika, madaxweyne ku xigeeku waxa uu sheegay inay taageero buuxda siinayaan cid kasta oo sare u qaadaysa waxbarashada ardayda Somaliland.

Agaasimaha guud ee tacliinta sare Khadar Axmed Diiriye oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay inay soo dhawaynayaan kulnakan, waxanu balan aaqaday inay gacan xoogan ka gaysan doonaan horumarinta waxbarashada, kulnkana waxaanu ku tilmaamay  mid muhiim u ah waxbarashada dalalka Geeska Afrika oo ay Somalilandna kamid tahay.

Sida oo kale maamulka guud Munadama Dacwatul Islaamiya ee dalalka Geeska Afrika Saadiq Cabdiqani ayaa ka xogwaramay muhiimada shirkan iyo faa’idooyinka ugu jira midaynta manaahijtan da’a yarta Somaliland.

Shirkan lagag hadlaayay hurumarinta  manaahijta waxbarashada ee dalalka Geeska Arika, ayaa muddo afar maalmooda ka socon doona caasimadda Hargaysa, waxaana la filayaa inay ka soo baxaan qodobo lagu dhiiri galinaayo manhajka waxbarasho ee dalalka Geeska Afrika.