Kulamo Muhiim Ah Oo Hargeysa Iyo Diridhaba Uga Bilaabmaya Dawladaha Somaliland, Itoobiya Iyo Kuwa Deeganada Bari Ee Kililada Dalkaas

0
593

 

haergesaHargeysa (Geeska)- Kulan saddex geesood ah oo Somaliland, Itoobiya iyo dawlad-Goboleedka Soomaalida Itoobiya kaga arrinsan doonaan iskaashiga iyo nabadgelyadda xuduudaha labada dal ayaa dhowaan dhex mari doona saddexda dhinac, waxaanay u kala qaybsanyihiin laba kulan oo ku kala qabsoomi doona caasimadda Hargeysa iyo magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya. Ujeedada kulamadan ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo xidhiidhka dawladda Somaliland iyo dawladaha deegaanada bari ee dalka Itoobiya.

 

Kulanka ay xukuumadda Somaliland martigelin doonto, ayaa la filayaa in lagu falanqeeyo dhamaan arrimaha labada wadan iska kaashan karaan iyo mushkiladaha saamaynta ku yeesha nabadgelyada labada dal gaar ahaan xuduudaha ay wadaagaan.

Xogo lagu kalsoon yahay oo uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in qabanqaabada kulankaa oo ay ka soo qeybgeli doonaan masuuliyiin heer wasiiro ah, lagu magacaabi doono guddi farsamo oo si joogto ah uga shaqeeya daba galka heshiisyada lagu gaadho.

Sida xogaha Geesk Afrika helay sheegayaan Madaxweynaha Somaliland, Mr, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa dhowaan magacaabi doona masuuliyiinta xukuumada Somaliland metelaya kulankaa oo la filayo inay ka mid ahaadaan masuuliyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda, wasaaradda Ganacsiga, wasaaradda Arrimaha Gudaha, wasaaradda Maaliyadda, iyo hay’ado kale sida Hay’adda Socdaalka Somaliland.

Dhinaca kale, warar aanu helnay cadeeyey in kulamo lagu xalinayey shaqaaqadii dhowaan ka dhacday deegaanka Xarshin, oo masuuliyiinta ka socotay xukuumada dhexe ee Itoobiya, masuuliyiinta dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Salaadiin iyo waxgarad kale oo saddexdii maalmood ee ugu danbeeyey socday, lagu go’aansaday in guud ahaan la bayaamiyo dadka xasilooni-daradda masuul ka ahaa, ka dibna sharciga la mariyo dhamaantood.

Kulanka dhowaan la filayo inay Somaliland martigeliso ayaa la rajeynayaa inuu sii xoojiyo xidhiidhkii iskaashi iyo nabadgelyo ee u dhexeeyey Itoobiya iyo Somaliland.