Wanka Madaxweynaha Ah: Nayl Loogu Xuddun Xidhayo Dameer, Kaddibna Idaha Hoggaamintooda Loo Igmanayo

0
873

Carabta xoolo dhaqatada ahi waxa ay caado soo jireen ah u leeyihiin in nayl ka mid ah xoolahooda ay marka uu dhasho ka qaadaan hooyadii. Kaddibna waxaa xero loogu xidhaa, la isna baraa dameer irmaan si uu u jaqo. Sidaas ayaa uu neefka yari dameertan ugu aqoonsadaa in ay hooyadii tahay.

Marka uu neefkaa yari weynaado meel gaar ah ayaa lagu xidhaa oo lagu nafaqeeyaa lagumana soo celiyo xoolihii, sida oo kael waxaa laga ilaaliyaa in sida xoolaha kale dhogorta laga xiiro.

Muddo kaddib neefkii waxa uu noqdaa wan aad u weyn oo dhogor xad dhaaf ahi ka baxday. Markaas ayaa inta qoorta loogu xidho koor, mararka qaarkoodna maro yar oo sharraxaad ah madaxa loo sudho waxaa isaga iyo dameertii uu jaqay ama dameer kalaba lagu daraa adhiga. Dameerkaas oo muddo marka uu adhiga iska dhex daaqo barta, iskuna tiriyo in uu ka mid yahay.

Neefkani waxa uu markaas noqdaa hoggaamiyaha adhiga oo isaga ayaa caadi ahaan u hormara, halka uu kolba u dhaqaaqo ayaanay u susumaan dhammaantood.

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay wankan xoolaha hoggaaminaya ee ay hoggaamiyaha moodayaan ama cidda aragtaa u qaadanayso in uu hoggaamiyahoodii yahay, in aanu sidaas ahayn balse qudhiisu waxa uu daba soconayaa dameerka adhiga lagu soo daray oo marka uu dhaqaaqo uu wankii dameerka la jaqsiiyey oo dabcan garanayaa dabagalo. Waxa uu caado u yeeshaa in aanu ka horumarin hooyadii ama dameerkan kale ee uu hooyadii moodayo, kadidbna adhigii kale oo dhami wanka dameerka dabasocda ayaa uu isna dabagaa.

Waxaa yaab leh in adhiga oo dhami ay wankan aaminaan una qaataan in uu yahay hoggaamiyahooda runta ah. Laakiin runta aanay ogeynin ay tahay in hoggaamiyahoodu uu keliya dabasocdo dameerka, sidaas awgeed hoggaamiyaha dadbani uu yahay dameerka.

Tijaabooyin kala duwan oo lagu sameeyey heerka ay gaadhsiisantahay adeecista idahan ee wankan hoggaamiyahooda ay moodayaan, waxaa lagu ogaaday in xitaa marar wanku u jar ka dhacay isaga oo aan ku talagelin in ay dhammaan adhigii kale kaga daba dhaceen iyaga oo u haysta in uu ku booday, kaddibna ay halkaas wax bakhtiyey iyo wax jajabay ku noqdeen.

Wankan waxa ay carabtu dhaqan ahaan u taqaannaa ‘Miryaac’ laakiin markan dambe oo uu noqday sheeko tusaale loogu soo qaato hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee lagu tuhmayo in aanay taladooda ku socon waxa ay carabta wax qortaa ku naanaystaa ‘Wanka madaxweynaha ah”.