Mahaathiir Muxammed: Dhakhatarkii Daweeyey Dhaawacii Dhaqaale iyo Bulsho Ee Dalkiisa (Q.1aad)

0
682

Waa dhakhtar qalniin oo muddo ka shaqeeyey cisbitaallada dalkiisa, laakiin in uu qof daweeyo waxaa kala fiicnaatay in uu umaddiisa oo dhan daweeyo iyo in uu booga dhayo dhaqaalaha dalkiisa oo uu dhaawac dhimasho ku keeni lahaa ka soo badbaadiyey.

Waa Mahaathiir Maxamed oo Raysalwasaare ka ahaa dalka Malaysiya laba jeer; 22 sano oo u dhexeeyey 1981 kii illaa 2003-dii waxa uu ahaa raysalwasaarihii Afaraad. Toddoba iyo toban sano oo uu siyaasadda hawlgab ka galay kaddib, ayaa markii uu arkay in dalkiisu u ka baydhay jidkii horumar ee uu curiyey iyo siyaasadihii uu la doonayey waxa uu mar kale isaga oo 92 sano jiray isu soo sharraxay doorashadii raysalwasaaraha oo uu bishii May 2018 kii xilkaas dib u qabtay kaddib markii uu ku guulaystay inta badan ee kuraastii baarlamaanka. Isaga oo sidaas ku noqday raysalwasaaraha toddobaad ee Malaysiya iyo hoggaamiyaha ugu da’da weyn ee adduunka. laba sano kaddib oo ahayd bishii March ee sannadkan 2020 ka ayaanu xilkaas iskii uga degey, kaddib markii uu u arkay in uu saxay wixii qaldanaa.

Muddadii uu dalkiisa ka talinayey waxa uu ka mid noqday hoggaamiyeyaasha ugu saamaynta badan dalalka qaaradda Aasiya, isaga oo dhinaca kalana caan ku ahaa mucaaradadda adag ee uu kala hor yimi fikirka ‘Carro-edegeynta’ (Globalization) ee ay reer galbeedku sida aadka ah u wateen, maadaama oo uu u arkayey in uu khatar ku yahay horumarka dhaqaale ee dalalka soo koraya iyo dhaqannadooda gaarka ah.

Waxaa lagu naanaysaa shabeelka Aasiya, iyo sida oo kale hormuudka horumarka Malaysiya. Muddadii hore ee uu xilka hayey waxa uu ku guulaysay in uu daweeyo dhaawacyadii bulsho iyo dhaqaale ee dalkaas jilbaha dhulka u dhigay. Waxa aanu ku suntanyahay guushii uu labaatan sano gudahood Malaysiya ka soo raray dal beeraley ah kana dhigay dar warshadley ah oo aad u horumarsan, horusocodkiisuna xawaare sare ku korayo. Waxa uu dalka Malaysiya gaadhsiiyey heer waxsoosaarka warshadihiisu ay boqolkiiba 90 ka noqdaan dakhliga guud ee dalka.

Haddaba waa kuma Mahaatiir Bin Maxamed?

20-kii bishii Juun 1925 kii ayaa uu ku dhashay tuulo aad u sabool ah oo lagu magacaabo Lorong Kilang oo ka tirsan degmada Aloor-Sitar oo ka tirsan gobalka Kaydaah ee dalka Malaysiya, oo xilligaa la odhan jiray British Malaya.

Waxa uu ka dhashay qoys danyar ah oo uu aabuhu ahaa macallin, hooyadina guri joog. Aabihii Maxamed Iskandar waxa uu ahaa iska dhal Hindi iyo Malay ah. Mohamed aabihii (Mahaathiir awoowgii) ayaa ka yimi gobalka Kerala ee dalka Hindiya oo uu dhalasho ahaan ka soo jeeday, waxa aanu guursaday gabadh Malay ah (Mahaathiir ayeeydii). Marka ay sidaas tahay waxa uu Mahaatiir Maxamed noqonayaa raysalwasaaraha keliya ee isirkiisa aabo ka soo jeedo Hindi ee dalkaas taladiisa qabta, sida oo kale waxa uu noqonayaa raysalwasaaraha keliya shanti raysalwasaare ee Malaysiya soo maray isagu ka soo jeeda qoys sabool ah oo aan magac ku lahayn hoggaanka siyaasadeed ee Malaysiya.

Mahaatiir yaraantiisii, gaar ahaan dagaalkii labaad ee adduunka kaddib, iyo muddadii uu dalka Jabbaan dalka Malaysiya xoogga ku haystay waxa uu iibin jiray quraaca iyo muuska si uu u kabo dakhliga qoyskiisa oo aad u hooseeyey. La soco…