“Dal Xor Ah Oo Jiritaankiisa Aan Gorgortan La Galin Karin Ayaynu nahay”

0
498

Hargeysa (Geeska) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo, waxaanu xusay in marnaba jiritaanka Somaliland gorgortan la galin karin.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay Koronaha wuxuu yidhi “Wakhti kasta oo adag iyo wakhti kasta oo barwaaqo ah oo lagu jiro, waa in mar walba in ILLAAHAY lagu shugri noqo, maxaa yeelay wax walba waxay ku dhacaan qadder iyo qoraal ILLAAHAY, bishii ramadaan waynu soo dhaafnay, Ciiddiina waynu soo dhaafnay, ILLAAHAY wanaagooda iyo khayrkooda ha ina siiyee, ee xanuunkan aafada ku noqday dunidii, waxaynu ALLE ka baryeynaa inuu inaga dulqaado, dadka u bukuna uu caafimaad sareecana ugu beddelo, waxaan’se soo jeedinayaa in aad la isku ilaaliyo, oo wixii waano iyo wax sheeg ah ee ku saabsan ka hor taga xanuunkan ay dadku qaatan, maxaa yeelay xanuunkani maaha xanuun sahlan, ee aad ha la iskaga ilaaliyo”.

Mar uu ka hadlayey qadiyadda Somaliland wuxuu yidhi “Somaliland waxay maxmiyad u ahayd Ingiriiskii, halka Soomaaliyana uu haystay Talyaanigu, shantii Soomaaliyeed ee kala ah Somaliland, Soomaaliya, Jabuuti, Kililka Shanaad iyo NFD ama Soomaalida Kenya, ee aynu raadinaynay inaynu isku keeno, suurtagal wey noqon weyday, oo inagoo Soomaaliya xornimada ka hor qaadanay, isla-markaana si xor ah u noqonay laba dal oo isku biiray, wixii dhibaatooyin ah ee la ina baday weynu ognahay, dib ayeynu ula soo laabanay xorriyaddii inaga luntay, markaas dal xor ah oo jiritaankiisa aan gorgortan la galin karin ayeynu nahay, Soomaaliyana jaarnimadeeda ha ku eekato, oo waxba yaanay wakhtiga iskaga lumin afkana ka sheegan Somaliland, maxaa yeelay Shacabka reer Somaliland waa Shacab isku tashaday, oo dalkooda iyo dadkoodaba u tashaday, waxaa qudha ee aanu tabanayna isla markaana aanu raadinaynaa waa sidii aanu u heli lahayn aqoonsi”.

Dhanka kale   Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa shacabka reer Somaliland ku booriyey inay tacab iyo wax soo saar ay dalka wax kaga beeranaynayaan la yimaaddaan.