Walaaca Iyo Ka Cabsashada Mustaqbalku Waa Cudurka

0
814

Qisaska sheekabaraleyda carabta iyo dhaqanno kalaba ku jira ee xikmadda badani ku duugantahay waxaa ka mid ah; in jiir uu libaaxii ku yidhi, “Ma ogtahay in aan awood u leeyahay in aan muddo gaaban gudaheed kugu dilo” Libaax oo aad ula yaabban qabka ku jira naftan yar ayaa si dheel dheel ah ugu sheegay in aanu waxba la hadhin. Jiirkiina ismaba dhibin ee axdi bil I sug ah ayaa uu kaga tegey iyada oo uu libaaxiina wacad ku marsanyahayin haddii bishaas kaddib uu isagu dili doono jiirkan kibira badan.

Libaaxii toddobaadkii hore waxaa ku abuurmay dareen la yaabatiin qosol ka keenay ah iyo waxoogaa riyooyin ah oo uu habeenkii marar arkayo jiirkii oo kaga dhabeeyey dilistii.

Toddobaadkii labaad cabsidii waa ay ku sii badatay oo warar ayaa ku bilowday, isaga oo ka fikiraya waxa uu jiirkii la maqan yahay iyo waxa kaga iman doona.

Toddobaadkii saddexaad xaalkii Libaaxu waa uu kadaray, waxaa ku bilowday in uu isla hadlo, isaga oo naftiisa weydiinaya su’aalo aanay jawaab u haynin oo ay ka mid tahay, ‘Bal ka warran haddii jiirkii run sheegayey oo uu dhagar weyn kuu soo maleegayo?!” waxa uu qoomameeyey in uu axdigaas galo iyo sii deyntii jiirkaba.

Toddobaadkii afaraad xaaladdii libaaxu bes beel bay noqotay, argagax iyo cabsi ayaa wehel u noqday, baad iyo biyaba waa uu ka dheeraaday, maalintii is ilaalin buu godkiisa ka soo bixi waayey, caleenta dhaqaaqdana didmo isla boodayey, habeen oo dhanna hadba meel buu ka guuray isaga oo ka baqaya in jiirkii ku arko.

Maalintii ballantu ahayd ayaa jiirkii iyo xayawaanno kale oo la yaabbanaa kibirka jiirku waxa ay soo raadiyeen libaax oo godkiisii ku jira. Waxa se la yaab ku noqotay markii ay u yimaaddeen isaga oo bakhti ah.

Libaaxa waxba ha la yaabin. Waayo sugitaanka masiibada iyo ka fikirkeedu wax kasta oo kale nafta waa uu kaga khatar badan yahay.

Dersiga kale ee ay tahay in qisadan aynu ka baranaana waa in aynaan sugin waxa soo socda kuna xisaabtamin ee nolosheenna si caadiya u wadanno illaa uu yimaddo ama iman waayo.

‘Is moodsiiska iyo walbahaarku waa cudurka badhkii, xasiloonida iyo niyadwanaagguna waa dawada badhkeed, sabirkuna waa tallaabada ugu horreysa ee bogsashada.’