Somaliland Oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Ka Dalbatay Inuu Gacan Ka Geysto Qadiyadda Ictiraaf-raadinta

0
691

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Axmed/yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle u soo jeediyey inuu gacan ka geysto Qadiyadda Somaliland.

Guddoomiye Ayaanle oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu taageerayey Musharraxnimada Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu qabtay Hargeysa, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Dawladda Soomaaliya oo uu Ismaaciil wx badan taray ay ka raacday Eritrea oo haysata dhul Jabuuti leedahay iyo Maxaabiis.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad wuxuu sheegay in muddo 20 sanadood ah uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu wax tarayey Soomaaliya si ay u soo noqoto Qaranimadii Soomaaliya, balse taasi ay Soomaaliya ugu beddeshay inay xumaan ka sheegto iyo isla-markaana ay Cadow u aragtay, sidaasi darteed loo baahan yahay in Madaxweyne Ismaaciil uu wax tarkiisa u soo weeciyo dhinaca Somaliland  “Labaatankii sanadood ee u dambeeyay, waxaad Madaxweyne naf iyo Maalba dul dhigtay in Qaranimadii Soomaaliyeed soo noqoto, haddii Madaxdii Soomaaliyeed walaalkood uu Afawerki noqday, waxaad ku shubaysaynayna Hal bacaad lagu lisay noqdeen oo Nacab iyo Cadow laguugu maahmaahayo, Madaxweyne Anigoo ku hadlaya Magaca Shacabka Somaliland Madaxweyne waxaanu ku leenahay soo baydh, Somaliland iyo Jabuuti ayuu Ilaahay is baday, innagaa laba Dawladood ah, innagaa deris ah ee Tan dhulka ka qaad (Somaliland) oo boodhka ka jaf..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office