Trump Oo La Tegey Shandaddii Fureyaasha Nukliyeerka Iyo Tallaabada Ay Qaadeen KhubaraTrump Oo La Tegey Shandaddii Fureyaasha Nukliyeerka Iyo Tallaabada Ay Qaadeen Khubarada Nukliyeerku (Q.3aad)da Nukliyeerku (Q.3aad)

0
712

Inkasta oo uu madaxweyne Biden xilka la wareegay isaga oo aanu Trump kala wareegin shandadda, isla markii dhaartu dhacdayna uu Trump noqday muwaadin caadiya, haddana taasi ma’ ay abuurin cabsi laga qabo in qof aan madaxweyne ahayni uu shandaddii gacanta ku hayo.

Si aan hore uga dhici jirin Maraykanka ayaa hay’dda iyo xeeldheereyaashia Nukliyeerka Maraykanku ay isla markii Biden la dhaariyey shaqada uga joojiyeen qalabkii ku rakibnaa shandaddii uu la tegey madaxweyne Trump iyo fureyaashii sirta ahaa ee uu kula xidhiidhi karayey masuuliyiinta nukliyeerka in ay ridaan ku shaqada leh.

Isla markii uu madaxweyne Joe Biden xilka u dhaartayna waxaa diyaar u ahayd shandad kale oo shaqaynaysa. Sidaas awgeed daqiiqaddaas laga bilaabo macno ma’ay lahayn shandadda uu Trump la tegey, wax shaqo ahna ma’ay qaban karayn xitaa haddii uu iska sii haysto.

Waxaa jira dhacdooyin qaarkood khatar yihiin, kuwo kalana maadays iyo qosol noqdaan oo soo kala maray madaxweyneyaal Maraykan ah iyo shandaddan magacyada badan iyo fureyaasheeda sirta ah.

Sannadkii 1973 kii markii uu madaxweynihii xilligaas ee midowga Soofiyeti ee Lenoid Brezhnev uu  soo booqday magaalada Washington ee xarunta dalka Marayanka, mar ay isaga iyo madaxweynaha Maraykanka Richard Nixon ay socdaal indho indhayn ah ku soo marayeen meelo kala duwan oo Washington ka mid ah, waxa uu madaxweyne Nixon illaaway in uu kaxaysto askarigii ay ahayd in uu la ag joogo shandadda Nukliyeerka, taas oo sababtay in muddo saacad badhkeed ah ay is mooganaadaan madaxweynaha iyo shandaddadu.

Marka la eego halbeegga waqti ee amniga qaranka Maraykanka soddonkaas daqiiqo ayaa loo arkaa in ay tahay waqti aad u dheer iyo dayacaad amni oo uu madaxweynuhu sameeyey, maadaama oo ay wax kastaa muddadaas dhici karaan.

Jimmy Carter Madaxweynihii 39aad ee Maraykanka  oo xilka hayey 1977 illaa 1981 ayaa isagana la sheegay in ka wasakhoobay oo uu u diray qaybta dhar dhiqista in uu jeebka ku illaaway kaadhka buskudka loo yaqaanno oo ah tallaabada koowaad suurtagelinaysa in la adeegsado fureyaasha sirta ah ee ku xidhan isticmaalka shandadda Nukliyeerka oo ah.

Dhacdo kale ee in ay khatar ku ahayd amniga Maraykanka loo arkay waxa ay ahady markii gu’gii sannadkii 1981 kii la isku dayey in la dilo madaxweynihii 40aad ee Maraykanka Ronald Reagan oo xilka hayey intii u dhexeysay 1981 illaa 1989 kii.  La soco…