Wakaalada Qurbe Jooga Oo Shahaado Sharaf Maalgashiga Ah Ku Maamuustay Shirkada SBI+Sawiro

0
633

waakaaladaHargeysa(Geeska)-Wakaaladda qurbe jooga Somaliland ayaa shirkadda Somaliland Beverage Industries (SBI) ku maamuustay shahaado sharaf dhinaca maalgashiga ah.

Shirka qurbe jooga Somaliland oo ka furmay magaalada Hargeysa, shalayna galay maalintiisii labaad, ayaa waxa ay wakaaladda qurbe jooga oo shirka soo agaasintay shalay shirkadda SBI ku siisay shahaado sharaf ay shirkadu ku mutaysatay ka dib markii ay samaysay maalgashigii ugu balaadhnaa uguna quruxda badnaa ee sannadkan. Waxaana shahaado sharaftaas guddoomay Agaasimaha shirkadda SBI Mustafe Cismaan Geele. Mustafe Cismaan Geele oo halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa wuxuu wakaaladda uga mahadceliyay bilad sharafta ay shirkadda siisay.

Geesta kale, hadal uu Mustafe Cismaan Geele furitaankii shirka ee Isniintii ka jeediyay, ayaa wuxuu kaga waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay shirkadooda OGF oo uu aasaasay Alle haw naxariistee Aabihii Cismaan Geele Faarax. Mustafe, wuxuu sheegay in aabihii badweynta ganacsiga bilaabay wakhtigii uu socday dagaalkii labaad ee adduunku, waxaanu sheegay inay iyaguna hadda sii balaadhiyeen shirkadii OGF oo dhashay shirkado badan oo ay ka mid tahay shirkadda SBI.

SBI ayaa sannadkan Somaliland ka hirgelisay wershadda soo saarta sharaabka Coca Cola iyo noocyadiisa sharaabka ah ee kala duwan, waxaanay shirkadu ku kacday 17 Milyan oo dollar, waxaana furitaankii shirkadda ka qayb galay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wufuud ka kala socotay dalka Djibouti iyo shirkadda Coca Cola, waxaanu furitaankeedu soo jiitay indhaha warbaahinta caalamiga ah, maadaama oo ay shirkadda coca cola tahay mid caalami ah.