Maayarkii Lascanod Oo Xalay Ku Dhawaaqay Inuu Xilkii Iska Casilay

1
586

Picture7Hargeysa(Geeska)-Maayarkii degmada Lascanod Mr. Kayse Maxamed Xaaji Xuseen, ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah iskaga casilay xilkii uu u hayay dawladda Somaliland.

Mr. Kayse, oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wuxuu cadeeyay inuu xilkaas iska casilay, waxaanu ku sababeeyay xadhigii lala beegsaday Salaasadii doraad.  “Wax danbiyo ah oo layla xidhiidhinayaa ma jiraan, nimankaasuna waxay magaalada ku wadeen gardaro dibindaabyo iyo dhib, sidaas ayaana aniga laygu xidhay, waxa ka danbeeyayana xadhigayga badhaasbka gobalka, wasaarad soo amartayna ma jirto.” Ayuu yidhi maayarkii hore isagoo ka hadlaya xadhigiisii.

Isagoo ka hadlaya is casilaadiisa, wuxuu yidhi “Shaqo dambe meeshan ka qaban maayo oo shaqadaydu intaas ayay ku eekayd, xilkiina waan iska casilay, oo waxana isaga casilay xadhigaas iyo gardaradaa laygula kacay iyo fawdada ka jirta Laasacaanood.”

Isagoo maayarkii hore la hadlaya shacabka magaalada Lascanod, wuxuu yidhi “Shacbigana waan salaamayaa, shaqadayduna intaas ayay ku eekeyd, waxaanan  leeyahay dib haloo ’eego arinkan waana gardaro laygu sameeyay aniga, arintaasuna masuul kasta way ku soo socotaa waa in laga digtoonada laga dhidhiyaa.”

Badhasaabka gobalka Togdheer, ayaa gelinkii hore ee salaasadii xabsiga u taxaabay maayarka iyo maayar xigeenka magaalada Lascanod, laakiin shalay ayaa xabsiga laga sii daayay masuuliyiintaas.

Comments are closed.