Beesha Bariga Hargeysa Oo Soo Jeedisay In Cid Kasta Oo Dalka U Dhalatay Hargeysa Iska Sharixi Karto

0
542

salaadinHargeysa  (Geeska )- Beesha Bariga Hargeysa  ayaa shirjaraa’id oo ay ku qabteen  magaalada Hargeysa  ku sheegay in ay cid kasta oo Somaliland u dhalatay xaq u leedahay  iska soo sharaxidda  deegaanka  caasimadda Hargeysa .

 Waxay  kale oo ay beeshu shirkan jaraa’id ku sheegeen in ay aad uga soo horjeedaan hadal dhawaan ka soo yeedhay   qaar ka tirsan Salaadiin iyo  odayaal  ka tirsan  beelaha deegaanka Hargeysa ku waas oo sheegay in Hargeysa ay beelo koobani uun  iska soo sharaxi karaan.

Af-hayeen Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo ka warbixiyey ujeedada warbaahinta ula hadlayaan waxa uu yidhi “ Maanta waxaanu halkan ka sheegaynaa in aanay Hargeysi cid gaara caasimad  u ahayn ee lawada daganyahay ,habaryoonis meelkasta oo ay  dagantahay  waxa deegaan u ah Hargeysa,” Suldaanku waxa uu si adag u sheegay in dhamaan dadka reer Somaliland ay iska soo sharaxi karaan caasimadooda oo aan cidna laga xigin.

 Guddoomiyaha Beesha Habaryoonis Cabdilaahi Jaamac oo isna ka hadalay shirkan jaraa’id  ayaa sheegay in xaddaynta  arimaha doorashooyinku ay xaq u leeyihiin guddida doorashooyinka qaranku  waxaanu yidhi “ ma jirto cid gaara oo xaq u leh in ay u tagaan Komishanka doorashooyinka yidhaahdaana  ciddaas baa ka qaybagalasya doorashada golaha deegaanka Hargeysa taasina ka ma qaybgalayso.”

Suldaan Cabdiraxmaan Aw-good oo ka mid ahaa madax-dhaqameed shirkan jaraa’id ka hadashay ayaa sheegay in Hargeysa ay caasimad u tahay dhammaan dadka ku nool Somaliland  waxaanu yidhi “ Hargeysa  waxay caasimad u tahay dhammaan umadda reer  Somaliland,  Hargeysana waxaa iska soo sharaxi kara qofwal oo reer Somaliland ah   waxaana jira caalamka  dad Somaliland u dhashay oo haddana ku jira golayaasha caalamka sida Sweden.”

Waxa kale oo ka mid ahaa dadkii halkaas ka hadlay Caaqil Maxamuud Kirix waxaana hadalkiisa ka mid ahaa  “ dadku  waa dad wada dhashay  cida cid farta ku fiiqad ee tidhaahda aniga hasha nala maalimaayo isna cid la maali maayo , waa in laga noqdaa  go’aankkii ay dhawaan ay  salaadiintu ku tidhi Hargaysa ayaan laga soo sharaxin beelo kooban mooyaane”.

Shirkan oo sida ay beeshu sheegay u jeedadiisu ahayd in la soo jeediyo in ay cidkasta oo Somaliland u dhalatay ay iska soo sharaxi karto  deegaanka Hargeysa,  kuna cambaareeyeen  shir ay dhawaan Hargeysa ku qabteen  Salaadiin ka soo jeeda Deegaanka Hargeysa oo sheegay  in beelo koobani xaq u leeyihiin  iska soo sharaxida golaha deegaanka Hargeysa,  wax a kale oo ka mid ahaa  dadkii ka hadalay oday  Cabdi Xariir Cali, Xildhibaan Siciid Af –qalooc oo sheegay in aad uga soo horjeedaan in cid koobani iska soo sharaxdo Deegaanka Hargeysa.