Wadne Xanuunka Iyo Kalastaroolka Oo La Ogaaday In Uu Carruurtana Ku Dhici Karo

0
927

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis Maraykanka lagu sameeyey oo dhowaan natiijadeedu soo baxday ayaa daahfurtay in carruurta miisaanka aadka u yar ku dhalataa ay khatar u yihiin in carruurnimada ay ku helaan xanuunnada ku dhaca wadnaha ama xididdada dhiigga.

Cilmibaadhayaashu waxa ay caddeeyeen in miisaanka uu dabiici ahaan ilmuhu ku dhashaa uu yahay 2.5 illaa 4 kiiloogaraam, haddii uu 2.5 kiiloogaraam ka hooseeyana uu macnaheedu yahay in ay jirto dhibaato caafimaad oo sababtay.

Cilmibaadhis ay xeeldheereyaashu wadeen lix iyo tobankii sano ee u dhexeeyey 1994 kii illaa 2010 kii, oo ay baadhis ku sameeyeen xaaladaha caafimaad ee 20 ku oo ah carruur ku dhalatay degmooyinka gobalak Ferjiiniyada galbeed ee Maraykanka. Waxa ay ku ogaadeen in miisaanka yar ee carruurta qaar ay ku dhalataa uu xidhiidh la leeyahay kalastaroolka dhibaatada keena oo dhiigga ku badan, iyo kalastaroolka jidhku u baahan yahay oo ka yar.

Cilmibadhistan oo natiijadeeda lagu faafiyey Joornaalka ‘Developmental Origins of Health and desease’ ayaa lagu sheegay in carruurta uu miisaankoodu hooseeyo marka ay dhashaan  ay khatar u yihiin wadne wareen, oo aynu uga jeedno xaaladda afka ingiriisuga ‘Heart Attack’ lagu yidhaahdo, dhiigfuran ku dhaca maskaxda, xanuunnada ku dhaca halbawlayaasha dhiigga, oo ay ka mid tahay in ay qallafaan / adkaadaan.

Dr. Aamina Cumar oo hormuud u ahayd cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa sheegtay in hore loo aaminsanaa in xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiiggu ay dadka waaweyn oo keliya ku dhcaan, laakiin sannadihii u dambeeyey la arkay in xanuunnadan lagu arkay carruur.

Dr. Aamina waxa ay sheegtay in haddii xaaladdan la ogaado goor hore oo ah inta uu ilmuhu uurka ku jiro, in ay jirto fursad lagu faragelin karo, si loo yareeyo guud ahaanba xaaladaha raadka aan fiicnayn ku yeesha koritaanka ilmaha. Waxa aanay intaas ku dartay in xitaa marka uu ilmuhu dhasho ee la arko in miisaankiisu hooseeyo, in ay weli jirto fursad caafimaad ahaan la isku dayi karo in wax laga qabto dhibaatada jirta. Taas oo ay xalka ka mid tahay in laga shaqeeyo in ilmuhu uu helo nafaqo ku habboon, in si cilmiya loola socdo koritaankiisa jidheed, iyo in laga fogeeyo waxyaabaha dhibaatada caafimaad keeni kara oo ay ka mid tahay sigaar nuugista waalidka ee qiiqeedu ku baxayo.

Dhibaato dhinaca garaadka ah

Cilmibaadhiso hore ayaa ka digay in hoos u dhaca miisaanka carruurta ay suurtagal tahay in uu ku keeno dhibaatooyin dhinaca garaadka iyo garashada ah oo ku timaadda marka ay weynaadaan. Sababtuna ay tahay korniinka maskaxdooda oo aan dhammaystirmin, iyo ciyaaraha iyo dhaqdhaqaaqyada kale oo aanay sida carruur kale u samaynin.

Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa iyaduna hore u sheegtay in tobankii carruur ah ee adduunka ku dhashaba mid ka mid ahi uu dhasho iyada oo sidkiisa ay weli muddo badani ka hadhsan tahay. WHO waxa ay intaas ku dartay in carruurtaas tirada badan ee dhalanaya sidkooda ka hor, ay yihiin kuwa ugu badan ee lagu arko dhibaatooyinka dhinaca maskaxda iyo jidhka ah, gaar ahaan haddii marka ay dhasheen uu miisaankoodu ka hooseeyo 1.5 Kiiloo garaam.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here