Haddii Hoggaamiyahaagu Aanu Lahayn Calaamadahan, Ku Talagal In Aanu Guul Kugu Hagi Doonin (Q:1aad)

0
846

Washington (Geeska)- In qofku uu madaxweyne ama hoggaamiye noqdo micnaheedu ma’aha in qofkani uu yahay kii ugu habboonaa ee xilkaa qaban lahaa, xitaa haddii uu doorasho xor iyo xalaal ah ku soo baxay. Dhibaatada dawlado iyo ururro ama shirkado badan haystaa waa in aanay aqoonsan karin in dhibaatada haysataa ay hoggaaminta iyo talada tahay. Waxa aanay kala sooci karin hoggaamiyaha fiican iyo ka xun. Habka ugu fudud uguna fiican ee aad ku arki karto karti darrada hoggaamineed ee qofku waa in aad xil u dhiibto, laakiin inta badan waa goor dambe oo uu khasaare dhacay.

Qormadan oo lagu daabacay majaladda caanka ah ee ‘Forbes’ ayuu qoraaga Mike Myatt kaga warramayaa dabeecado iyo habdhaqanno ay tahay in hoggaamiyaha lagu arko, laakiin aan hoggaamiyaha xun laga helin.

Waxa uu sheegayaa in ay jirto hab fiican oo lagu qiimayn karo awoodda hoggaamineed ee qofka.

  1. Hoggeemiye aan aragti lahayn ama sida ka sii fiican ayn u dhigno ee, aan garanayn halka uu u socdo

Hoggaamiye aan aragti lahayni waa uu guuldarraysanayaa. Hoggaamiyeyaasha aa naan aragtida lahayn dhiirrigelin kuma abuuri karaan gacan yareyaashooda. Nidaamak ay maamulayaanna kuma dhiirrigelin karaan hawlgudasho wanaag, ama ma abuuri karaan qiyam.

Shaqada ugu mudan ee hoggaamiye laga rabaa waa in uu ururka, shirkadda ama dawladda ku mideeyaa aragti aanu qof keliya madow kaga jirin halka loo socdo, isla markaana ah wax la gaadhi karo. Hoggaamiye aragti la’aan ku hoggaaminaya hay’ad ama dawladi waa ‘Sida indhoole indhoole hagaaya’.

  1. Hoggaamiye aan naftiisa hoggaamin karin

Hoggaamiye aan daacadnimo iyo dadnimo lahayni, dulqaad uma yeelan karo waayaha kala duwan ee hoggaaminta. Macna badan malaha in uu yahay yahay qof garasho badan, qof qancinta dadka xariif ku ah, qofka garyaqaan ah ama qof garaadkiisu furan yahay. Haddii uu yahay hoggaamiye dhiirrigelinaya in baahiyaha hoggamaineed ee hadda iyo mustaqbal uu ku dhisayo habdhaqanno aan akhlaaq ahaan fiicnayn. Ugu dambaynta waxa uun ay hoggaamiyaan dib u dhac, ugu dambayna gondahooda ayaa ay hoos ugu soo dhacaan. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here