Wadaagista Dookha Midabku Waxa Ay Ka Qayb Qaadataa Adkaynta Xidhiidhka Lammaanaha Is-Qaba

0
589

Hargeysa (Geeska)- Haddii aad tahay guur meer ama hammigaaga uu ku jiro in aad u guurto nolosha qoysnimada, waxa talo laguugu siinayaa in aad iska hubiso, bal in adiga iyo lammaanaha aad nolosha la wadaagaysaa aad isku dookh ka tihiin dhinaca midabbada.

Daraasdad dhowaan laga sameeyey dhinaca xidhiidhka bulshada ayaa lagu ogaaday in dookha midabka oo lamaanuhu ay iskaga mid noqdaan ay ka dhalato lammaanaha oo ku noolaada nolol badhaadhe iyo is faham. Waxa ay daraasaddu sheegtay in lammaanaha noocan ah qoyskoodu ku caan yahay muwaafaqo iyo iska raalli ahaansho, halka lammaanaha aad ugu kala duwan dookha midabku ay ku caan yihiin is-khilaaf iyo muran. Waxa ay daraasaddu ku talisay in qofku aad ugu fiirsado dookha midabbada ee mataanka uu dhismaha qoyska u dooranayo, ragga iyo dumarka labadaba.