Magacyada Dad Dunida Caan Ka Ah Oo Mushaharkoodu Sannadkii Hal-Doollar Yahay Iyo Xikmadda Ku Jirta (Q:3)

0
587

Hargeysa (Geeska)- Qormadani waa qaybtii 3aad ee aynu kaga waramaynay dadka iyagu iskood u go’aansaday in shaqada ay hayaan ay ku qaataan Sannadkii Hal doolar, kuwaas oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo, “Dollar-a-year men” iyo xikmadda ku jirta:

4. Walter Percy Chrysler: Waxa uuu ahaa maalqabeen u dhashay dalka Maraykanka oo noolaa intii u dhaxaysay 1875kii – 1940kii, waxa aanu ahaa ninkii iska lahaa fikirkii iyo hantidii lagu aas-aasay shirkadda Chrysler Group oo ka mid ah saddexda shirkadood ee Maraykanka ugu waaweyn ee soo saara baabuurta. Shirkaddan oo la aas-aasay sannadkii 1925kii ayaa sannadkan 2014ka noqotay shirkadda toddobaad ee dunida oo dhan ugu weyn soo saaridda baabuurta. Walter Chrysler muddadii uu madaxda ka ahaa shirkaddan Chrysler waxa uu mushaharkiisu ahaa ! doolar sannadkii.

5. Steve Jobs: Waxa uu ahaa maal-gashade iyo aqoon-yahan ku xeel dheer suuq-geynta ganacsiga oo isaga iyo saaxiibkii ay ikhtiraaceen shirkadda dhinaca tiknoolajiyadda caanka ku ah ee Apple, isla markaana ahaa guddoomiyaha iy oagaasimaha fulinta ee shirkadda. Steve Jobs oo ay iska dhaleen aabo Carab reer Suuriya ah iyo hooyo u dhalatay dalka Maraykanak oo xidhiidh ku dhex maray jaamacad ku taalla dalka Maraykanku waxa uu dhashay 1974kii isaga oo 56 jir ah ayaanu geeriyooday sannadkii 2011ka.

Steve Jobs oo magaca aabihii ee saxda ahi uu ahaa Cabdalfataax Jandal muddadii dheerayd ee uu shirkadda Apple agaasimaha fulinta ka ahaa waxa uu mushahar ahaan sannadkii u qaadanayey Hal doolar.

6. Richard Kinder: Waa ganacsade Maraykan ah oo dhashay sannadkii 1944kii, waa agaasimaha fulinta iyo guddoomiyaha golaha sare ee shirkadda Kinder Morgan oo ka ganacsata Gas ka iyo tamarta ahna shirkadda afaraad ee ugu ballaadhan woqooyiga Ameerika ee ka ganacsiga tamarta. Richard Kinder oo shirkaddan aas-aasay isla markaana maareeye ka ahi muddadii uu shirkaddan ka shaqaynayey waxa uu mushahar u qaataa Hal Doolar sannadkii.

7. Larry Page: Ganacsade Maraykan ah oo dhashay sannadkii 1973kii, isaga iyo saaxiibkii Sergey Brin ayaa wada aas-aasay shirkadda caanka ah ee Google. Larry Page oo ah qofka 19naad ee dunida ugu maalqabeensan. Shirkadda Google oo uu ka shaqaynayey tan iyo aas-aaskeedii, waxa uu mushahar uga qaataa Hal doolar sannadkii. Sidoo kale Eric Schmidt oo isna ah ganacsade agaasimaha fulinta ka ah shirkadda Google ayaa sannadkii qaata Halkaa doolar ee mushaharka ah. La soco…