Lixdii Saadaalood Ee Ugu Xumaa Dunida Tiknoolajiyadda Iyo Sida Ay U Beenoobeen (Q:2aad)

0
623

Hargeysa (Geeska) Qormadan oo ah tii 2aad waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa adeegyo iyo aalado tiknoolajiyadda ka mid ah oo imika dunida si aad ah looga isticmaalo, balse markii hore dadkii akhtiraacay ama ka ganacsanayey ay saadaaliyeen in aanay sidaas u caan noqon doonin, isticmaalkooduna aanu heerkaas gaadhi doonin.

3. Robert Metcalfe: Oo ah ninka aas-aasay shirkadda 3Com. Ee caanka ku ah soo saarista qalabka iyo barnaamijyada fududeeya isku xidhka kombiyuutarrada oo la aas-aasay sannadkii 1979kii ayaa mar uu sannadkii 1997kii shir caalamiya ka hadlay waxa uu yidhi, “Waxa aan saadaalinayaa in Internet ku uu si la yaab leh oo dhaqso ah u joogsan doono sannadka 1996ka, taas oo noqon doonta masiibo weyn” arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in Metcalfe aanu intaas uun ku joojin balse waxa uu ku dhaartay in uu beentiisa qiran doono haddii saadaashiisaasi run noqon weydo, isaga oo ku soo qabsaday hal-hays afka ingiriisiga ah oo macnihiisu yahay, “Weedhahayga ayaan dib u cuni doonaa, haddii saadaashaydu ay beenowdo”

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in sannadkii 1997kii mar kale oo uu shir caalamiya ka qayb galayey Robert Metcalfe la xasuusiyey beentii uu sheegay, maadaama oo internet ku joogsi iska daa oo uu siiba laba kacleeyey, isaga oo doonaya in uu dadka tuso in uu nidarkii rumaynayo, ayaa uu soo qaaday warqad uu ku qoran yahay maqaalkiisii uu arrintaas kaga waramayey, kadib inta uu ridqay oo uu biyo ku daray ayaa uu cabbay.

4. Sir William Preece oo ahaa Injineerkii ugu sarreeyey Boosta Ingiriiska ayaa markii uu saynisyahankii reer Maraykan ee Graham Bell soo saaray talefannada waxa uu u arkay in aanay lahayn intifaac muhiim ah ama xataa aanay baahi badan dadku u qabi doonin. Isaga oo la hadlaya Graham Bell ayaa uu Sir William sannadkii 1878kii yidhi, “Maraykanka ayaa u baahan talefan, laakiin annagu uma baahnin. Waxa aanu haysannaa wiilal badan oo waraaqaha boosta qaada” Laakiin sidaas ma’ay noqon oo dalka Ingiriisku waxa uu maanta ka mid yahay meelaha loogu isticmaalka badan yahay isgaadhsiinta talefanka dunida oo dhan, isla markaana ay xarumo ku leeyihiin shirkadaha ugu waaweyn dhinaca isgaadhsiinta talefannadu.

5. Job Steve: Shirkadda Apple bilowgii shaqadeedu waxa ay ahayd soo saarista kombiyuutarrada iyo qalabka sida kombiyuutarka u shaqeeya iyo barnaamijyo dhinaca media ah, dad badan oo ka helay farsamada wanaagsan iyo tayada shirkaddan ayaa muddo is weydiinayey goorta ay shirkaddani soo saari doonto talefannada gacanta. Job Steve oo ah aas-aasaha iyo agaasimihii (Intii aanu dhiman) shirkadda Apple ayaa isaga oo arrintan ka jawaabaya waxa uu warbaahinta kuu yidhi, “Qof kastaa waxa uu I weydiinayaa, goorta ay shirkadda Apple bilaabi doonto soo saaridda talefannada gacanta. Jawaabta aan siinayaa waxa ay tahay, Weligeedna sooma saari doonto” In kasta oo uu Job Steve sidan yidhi, haddana muddo aad u gaaban kadib shirkaddiisu waxa ay u aragtay in ay suuq u heli karto soo saaridda talefannada gacanta waxa aanay bilowday samaynta Moobillada casriga ah ee Smart Phones afka qalaad lagu yidhaahdo, illaa ay gaadhay heer maanta loo aqoonsan yahay in ay tahay shirkadda ugu weyn dhinaca soo saarista talefannada gacanta ee casriga ah tayadooduna sarrayso dunida oo dhan. La soco…