Wada Hadalo Xal Loogu Raadinayo Khilaafka Shirguddoonka Oo U Bilaabmaya Guddoomiye Cirro Iyo Baashe

1
567

Picture8Hargeysa(Geeska)-Wada hadalo la isugu soo dhawaynayo guddoomiyaha Golaha wakiilada iyo ku xigeenkiisa 1aad Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka socda magaalada Hargeysa.

Wada hadaladan oo labadii caano maal ee u dambeeyay la isaga dab-qaadayay labada masuul ayaa xal loogu raadinayaa labada go’aan ee iska soo horjeeda ee ay labada masuul kala qaateen. Guddoomiye-xigeen Baashe Maxamed Faarax oo uu weheliyo ku xigeenkiisa Cali Yuusuf Axmed ayaa laalay go’aan uu guddoomiye Cirro hore isugu shaandheeyay guddi hoosaadyada golaha wakiilada, waxaanu guddoomiye Cirro uu isna dhinaciisa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankaas Baashe, isagoo sheegay inuu go’aankiisii sharci yahay oo uu socon doono.

Labadaas mawqif ee kala fog, ayaa waxa socda wada hadalo la isugu soo dhawaynayo, waxaana la doonayaa in sida ugu dhaqsaha badan la isku soo horfadhiisiyo. Ilo wareedyadu waxay tilmaameen inay wada hadaladani yimaadeen ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxtooyadu ka noqotay dagaal siyaasadeed oo ay qorshaysatay inay ku kiciso guddoomiye Cirro oo hore si cad ugu eedeeyay inay dabada ka riixayso dagaalada ku socda.

Si kastaba ha ahaate, khilaafka ka dhex jira shirguddoonka ayaa haddii aan xal loo helin wuxuu saamayn ku yeelan doonaa kalfadhiga golaha wakiilada oo furmaya bishan December.

 

Comments are closed.