Diblomaasiyiinta Caalamka Oo Aaminsan In Kalsoonidii Beesha Caalamka Ay Ku Qabtan Madaxweyne Xasan Sheekh Ay Sii Gudhayso

2
771

Picture10Nayrobi(Geeska)-Is casilaadii guddoomiyihii Baanka ee Somaliya Yusur Abraar, ay xilkaas kaga tagtay ayaa dhaawac u gaystay kalsoonida ay deeq bixiyayaasha dunidu ku qabeen Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dawladiisa.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Jimcihii baahisay inay diblomaasiyiintu aaminsanyihiin in arrinta ka taagan baanka dhexe ee Somailya ay dhaawacday kalsoonidii ay Beesha caalamku ku qabtay dawlada Xasan Sheekh, waxaanay intaas raaciyeen in deeq bixiyayaasha oo lacag badan geliyay dalka Somaliya ay dawladda cadaadis ku saarayaan inay iska nadiifiso musuqmaasuqa dul-hoganaya. Xasan Sheekh ayaa is casilaadii Yusur Abraar ka dib guddoomiyaha Baanka Somaliya toddobaadkan u magacaabay Bashiir Ciise Cali.

Toddobaad ka hor ayay dawladda Somaliya iyo Midowga Yurub isweydaarsadeen hadalo diblomaasiyadeed oo qalafsan. Raysalwasaare xigeenka Somaliya ahna wasiirka arrimaha dibadda Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa Midowga Yurub ku eedaysay inaanay daacad ka ahayn caawimada Somaliya, iyadoo intaas raacisay inay jecelyihiin inay dhaqaalaha loogu yaboohay la siiyo, waxaanay sheegtay inaanay waxba ka helin beesha caalamka.

Hase yeeshe sarkaal u hadlay Midowga Yurub ayaa wararkaas ku tilmaamay kuwo aanay waxba ka jirin, waxaanay sheegeen inay Somaliya caawiyaan laakiin aanay marna dawladda Somaliya wax lacag ah gacanta ka gelinayn maadaama oo aanay lahayn nidaam xisaabeed oo cad.

Si kastaba ha ahaate, is casiladda gudoomiyihii baanka Yusur Abraar ayaa ah caqabada koowaad ee haysata dawladda Xasan Sheekh, waxaanay Yusur Abraar warqadeedii is casilaadda ku sheegtay in sababta koowaad ee ay isu casishay tahay musuq maasuq ay ka damqatay oo ka jira gudaha dawladda Somaliya dhexdeeda iyo farogelin lagu sameeyay shaqadeeda.

 

Comments are closed.