Waayeelka Koriya Ubadka Ay Carruurtoodu Sii Dhashay Waa Ay Ka Cimri Dheer Yihiin Kuwa La Mid Ah Ee Aan Korinin

0
538

1Berlin (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Jarmalka ayaa lagu ogaaday in waayeelka koriya ama si joogto ah ugu lug yeesha korriinka ubadka ay sii dhaleen carruurtoodu ama xitaa waqti badan ku qaata ka qayb qaadashada koritaaka carruurta dad kale in ay ka cimri dheer yihiin kuwa xaaladdoodu la midka tahay ee aan iyagu sidan yeelin.

Daraasaddan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey Joornaalka Evolution and Human Behavior oo ka faallooda isbedellada iyo horumarka dabeecadaha iyo hab-dhaqanka dadka ayaa lagu sheegay in xidhiidhka waalidka iyo ubadka ay awoowga ma ayeeyada u yihiin oo go’aa ay saamayn taban ku yeelato caafimaadka awoowga/ayeeyada.

19 sano oo ay xeeldheerayaashu baadhis cilmiya ku wadeen 500 oo ruux oo ‘doodu ka weyn tahay 70 sano kadib waxaa u soo baxday in muddadaas xaaladda caafimaad iyo suurtogalnimada geerida dadkani ay saddex meelood meel ku yarayd waayeelka ubadka ay carruurtoodu sii dhashay daryeela.

Dadkan tijaabada laga qaaday oo deggenaa magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka ayaa ay cilmibaadhayashu sidoo kale ku ogaadeen in waayeelka si aan joogto ahayn laakiin soo noqnoqota u daryeela ama uga war haya daryeelka iyo korriinka ubadka carruurtoodu dhashay ay sidoo kale saamayn ku yeelato caafimaadkooda.