Da’ Yartu Sida Cudurka Ayaa Ay Isu Qaadsiiyaan Rabshad Badnaanta Iyo Qalqaalinnimada

0
642

1Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in hab-dhaqanka rabshadda iyo qalqaalinnimadu uu da’yarta ugu dhex faafo sida cudurka, iyada oo tilmaamaysa in dhaqamadan oo inta badan qof iyo laba ku bilowdaa ay marka dambe ku faafaan saaxiibbada tooska ah iyo kuwa aan tooska ahayn.

Cilmibaadhayal ka tirsan jaamacadda Ohio ee dalka Maraykanka ayaa daraasaddan oo natiijadeeda Axaddii toddobaadkan lagu faafiyey majaladda Public Health Journal waxa ay ku sheegeen in tijaabo lagu sameeyey lix kun oo arday oo dhigta dugsiyada dhexe iyo sare, iyada oo la eegayo habdhaqanka ardaydan iyo hadba isbedellada lagu arko ardayga isaga oo marka hore ah qof deggen la saaxiiba ama la saaxiibka ah arday rabshad badan, waxa aana ka soo baxday natiijadan sheegaysa in rabshadda iyo qalqalinnimada sida cudurka loo kala qaado.

Xeeldheerayaashu waxa ay tijaabadan ku ogaadeen in ardayda da’dan dugsiga dhexe iyo sare ku jira ah ee marka hore deggenaa laakiin la saaxiibay arday qalqaaliya laga arkay in boqolkiiba 48 ay kor u kacday, suurtogalnimada in uu gacan ka hadal ku kaco, halka boqolkiiba 148 ay kor u kacday suurtogalnimada in uu hub nooca uu doono ha noqdo ee ugu hanjabo arday ama qof da’diisa ah oo ay is qabteen, sidoo kale waxaa boqolkiiba 183 kordhay suurtogalnimada in uu dhibaato gaadhsiiyo qofka da’diisa ah ee khilaaf dhex maro.

Arrinta warwarka gaarka ah leh ayaa ah in faafitaanka iyo iskaga dayashada qalqaalinnimada iyo rabshaddu aanay ku koobnayn carruurta saxiibbada dhow ah oo keliya, balse ay sidoo kale saaxiibba saaxiib sii qaadsiiyo illaa heer ay ku faafto goobta oo dhan.

Warkan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-jazeera ayaa intaas ku daraya in Dr. Robert Bond oo ka tirsan Waaxda Culuumta bulshada ee jaamacadda Ohio, isla markaana hoggaaminayey cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey, in isaga oo arrintan faahfaahinaya ay hadalladiisa ka mid ahaayeen, “Cilmibaadhistani waxa ay idiin muujinays sida rabshadda iyo qalqaalinnimadu ay u yihiin hab-dhaqan sida cudurka u faafa, suurtogalna ay tahay in uu ku baaho bulshada oo dhan”

Waxaa xusid mudan in ay jireen cilmibadhiso hore oo iyaguna caddeeyey in hab-dhaqanno iyo xitaa abuur ay ka m id yihiin farxadda, buurnimada iyo sigaar nuugista si sahal ah ay iskaga qaadaan/daydaan dhalinyarada isku xidhani, si la mid ah sida cudurku u faafo”