Haddii Aad Aragto Ruux Weyn Oo Kufitaanku (Dhiciddu) Ku Badan Yahay Dhaqso U Baadh Caafimaadka Dhabarkiisa!

0
620

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in dhicitaanka oo qofka ku bataa ay tahay ishaaro ina tusi karta In uu qofk dhabar xanuun gaar ahaa ragga. Majaladda Journal of Gerontology oo ka faallooda cilmiga gabowga, ayaa warbixin ay dhowaan faafisay ku shegtay in tijaabo cilmi oo intii u dhexeysay sannadihii 2000 illaa 2002dii laga qaaday 6 kun oo h rag da’ ah oo u dhashay dalka Maraykanka lagu ogaaday in ay suurtogal tahay in dadka dhabar xanuunka qabaa ay boqolkiiba 30 ka dhicis / kufid bada yihiin dadka da’dooda iyo xaaladdooda oo kale ah ee aan iyagu dhabar xanuunka lahayn.

Warku waxa uu sheeg in dadkan tijabada lagu sameeyey la xaqiijiyey in 1’388 ka mid ahi ay ugu yaraan hal mar dhacee / kufeen sannad gudihii halka 632 ka mid ahaana ay dhacaan in mar ka badan. taas oo markii xaalkooda caafimaad hoos loogu sii daadagayna la ogaaday in boqolkiiba 62 ka mid ahaa raggaas oo u dhiganta saddex meelood laba tirada guud ee raggaas kufay ay qabeen dhabar xanuun, gaar ahaan dhabarka qaybtiis dambe ah. kuwaas oo boqolkiiba 9 k mid ah xanuunkoodu drnaa, halka boqolkiiba 20 ka mid ahna ay sheegeen in dhabarku garaac joogto ah ama waqtigooda inta badan ah ku hayo, halka tirada soo hadhayna ay sheegeen in ay xanuunkaas dareemaan.

Lynn Marshall oo kaaliye bare-sare ka ah jaamaadda caafimaadka iyo Sayniska ee Oregon isla markaana madax u ahayd kooxda cilmibaadhayaasha ah ee daraasaddan sameeyey ayaa iyada oo ka hadlaysa waxa ay tidhi, “Waxa aynu ognahay in dadka waaweyn ee qaba dhabar xanuunka ay inta badan daciifto awoodda shaqo ee jidhkoodu, firfircoonidoodu yaraato, aadna ugu adkaado kicitaanku” Lynn Marshall waxa ay intaas ku sii dartay in caadi ahaan dhabar xanuunku aanu ahayn sababta keliya ee keenta dhicista/kufidd, laakiin ay daraasaddani muujinayso in dhabar xanuunku uu ka mid yahay sababa keena dhicistaas, gaar ahaan ragga da’da waaweyn.