Waalidku Ha Ka Digtoonaado Hab-Dhaqannada Sababa In Aad Ilmuhu Uu Quus Iyo Niyad Xumo Ku Barbaaro (2)

0
287

Waa qaybtii labaad ee qoraalkii ay shabakadda Maraykanka ee Awareness Act ay dhowaan baahisay maqaal ay kaga warramayso ficillada iyo habdhaqannada waalidku uu marmar ku kaco isaga oo aan dhaadsanayn, ee dhibaatada laxaadka leh ku keena ilmaha. Gaar ahaan waxa ay dhacaan marka uu waalidku doonayo in uu xakameeyo ilmaha.

Duruufaha nafsiga ah ee waalidka ku xeerani yaanay saamayn sida uu ula macaamilayo ilmaha

Inta badan waalidka oo hooyada u badani marka uu ku jiro xaaladaha nafsiga ah ee adag waxa uu hab cadaawad u muuqan kara ula macaamilaa ubadkiisa. Tusaale ahaan ficillada ilmuhu sameeyo ee qaldan ayaa uu kaga jawaabaa weerar iyo ereyo qallafsan, halkii ay ka ahayd in uu waalidku is dejiyo oo waxoogaa ka fikiro waxa dhacay iyo sida ugu habboon ee ay tahay in uu uga falceliyo, maadaama oo ficilka waalidku raad ku yeelanayo mustaqbalka ilmaha.

Ilmaha ha ku qasbin in uu dembiile isu arko

Inta badan waalidka mustaqbalka ilmihiisa burburinaya waxaa lagu arkaa in marka uu ilmuhu uu gef sameeyo uu ku riixo in ilmahaasi uu qirto in uu dembi galay ama dareemo in uu dembiile yahay. Arrintan waxa uu waalidku u sameeyaa si uu uga dhigto hub ilmaha ku dirqiya in uu sameeyo sida uu waalidku rabo.

Tusaale ahaan marka uu ilmuhu qalad sameeyo in uu waalidku doono in ilmaha loo fahansiiyo in si aanu u soo noqon ay tahay in uu raaco talada waalidku siinayo.

Marka uu ilmuhu fulin waayo amarrada waalidka waxa uu waalidkani isku dayaa in ilmaha uu u xambaariyo dembiga waxa dhacay oo dhan, waxa aanu ku abuuraa shucuur uu ilmuhu naftiisa hiifo. Waa se gef ay tahay in laga feejignaado.

Ilmahaaga saaxiib la noqo, laakiin dabarka iyo hoggaanka la ogow

Waalidka qaar ayaa aaminsan in sida ugu habboon ee ilmaha hannaanka dhaqankiisa iyo hab fikirkiisa loogu saamayn karaa ay tahay in lala saaxiibo. Waa dhab in la saaxiibista ilmuhu wax badan ka tarto gacan ku haynta habdhaqankiisa, iyo kalsoonida uu bulshada kula macaamilayo, laakiin qaladka markan oo kale dhacaa waa in ilmihii uu u arko in waalidku uu saaxiib yahay balse aanu ahayn maamulaha noloshiisa iyo hoggaamiyihiisa, sidaa awgeed uu ku dhiirrado in uu wax kasta samayn karo.

Waalid waad saxan tahay ee ilmahaaga la saaxiib, laakiin fakaagga xorriyadeed ee aad siinaysaa ha noqoto mid aan dabar iyo hoggaan la’aan ahayn. Waa wanaag in aad ilmahaaga saaxiibtinimo tusto, laakiin ha illaawin in ilmuhu uu u baahan yahay in xuduud loo yeelo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.