Aabonimada Da’da Weyn Ku Timaaddaa Waxa Ay Khatar Ku Tahay Caafimaadka Ilmaha Uu Dhalayo

0
292

Hargeysa (Geeska)- Duruufaha kala duwan ee ay wadato nolosha xawaaraha ku socota ee casrigani waxa ay sababeen in da’da guurka adduunku ay dib uga dhacdo intii ay ahaan jirtay. Tirakoobyada caalamiga ah ee soo baxayaana waxa ay daahfureen in ragga iyo haweenkuba si isku mid ah ku guursadaan da’ ka weyn tii ugu habboonayd, sababaha ugu badanna ay ka mid tahay qaab nololeedkii dadku doonayeen oo noqday mid ka sarreeya intii hore oo kharashkiisa wata, iyo dhalinyaradii oo doonaysa in ay helaan waxbarasho sare kaddibna shaqooyin fiican oo guurka ka hor ay ku sii diyaariyaan nolosha qoysnimo.

Arrintani oo keentay in da’da waalidka lagu noqonayaa ay weynaato, ayaa ay hadda soo baxaysaa in ay leedahay cawaaqib xumo caafimaad oo ka timaadda da’da weyn ee waalidka, gaar ahaan aabaha.

Inkasta oo cilmi ahaan la ogyahay in haweenku ay leeyihiin ogxaanta bacariminta oo kooban, taasina ay tahay sababta ay dumarku hore ugu joojiyaan dhalmada. Waxaa arrintaas ka duwan ragga oo iyagu awood u leh inta noloshooda ah oo dhan da’ kasta oo ay yihiin awood u leh in ay ubad dhalaan.

Hooyada da’da weyn

Dhibta ugu badan ee dumarka da’ weynida hooyo ku noqonaya soo waajahdaa waa in ay dhiciyaan ilmaha ama uu ka soo qubto, waxa kale oo ay culimada saynisku aaminsan yihiini n ay keeni karto iino dhinaca abuurka ah oo ilmuhu ku dhasho.

Mar kasta oo ay da’da hooyadu sii weynaato waxaa suurtagal ah khataraha ay ka mid yihiin; dhalmada oo ku adkaata iyo ilmaha oo qubta.

Aabaha da’da weyn

Cilmibaadhisaha lagu sameeyey xidhiidhka ka dhexeeya da’da waalidka iyo ilmaha uu dhalayaa waxa ay muujinayaan in ilmaha uu dhalayo aabaha da’da weyni uu khatar u yahay dhibaatooyin caafimaad. Waxaa ka mid ah carruurta oo ay ku dhici karto caafimaad darro oo dhinaca dhimirka ah, iyo Khalkhal hidde sideyaasha, xaaladdan dambe oo dhif ah ayaa waxaa ka mid ah in ilmuhu uu noqdo culaan.

Daraasad ay sameeyeen xeeldheereyaal u dhashay dalka Sweden oo xogtooda la ururinayey intii u dhexeysay 1973-kii illaa 2001-dii waxaa lagu ogaaday in aabayaasha da’doodu ay 45 sano tahay ama ka weyn tahay ay u badan yihiin aabeyaasha ay ubadkoodu ku soo dhashaan xaalado caafimaad darro oo u badan xanuunnada maskaxda, xanuunnada habdhiska neerfaha, faquuqnimada, iyo xaaladaha nafsiga ah ee ay ka mid tahay in ilmuhu fudayd badan yeesho ama in uu noqdo qof maskax ahaan maahsan. Sababta ugu weynina ay tahay Dhallan-gedis hidde side oo manida aabaha ku dhaca marka ay da’diisu weynaato.

Sida oo kale ragga da’weynida aabaha ku noqonaya ayaa ay daraasaduhu sheegayaan in xaaladaha nafsadeed ee aynu soo sheegnay in ubadkoodu ay khatar u yihiin ay sababi karaan ilmaha oo hadhow anshax ahaan baydha, iyo waxbarashada oo uu ku hooseeyo.

Labada waalid ee da’da weyn

Waxa ay cilmibaadhayaashu sheegayaan in aabaha iyo hooyada da’da weyniba ay ka siman yihiin in ay sabab u noqon karaan in ilmaha ay da’daas ku dhalayaan uu u nugul yahay in uu hidde ahaan u qaado xanuunnada labada waalid midkood qabo.

Dooddo diiddan

Si kastaba ha ahaato ee waxaa jira aragtiyo cilmiya iyo daraasado ay xeeldheereyaal kale sameeyeen oo isugu jira kuwo aaminsan in khatarta caafimaad darro ee aabaha da’da weyni ku keenayo ilmihiisu in ay ka yar tahay inta la sheegayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.