Waa Maxay Sirta Ku Jirta In Dumrku Ay Hawlo Badan Mar Keliya Wada Qaban Karaan, Raggu Se’ Aanay Awoodin?

0
904

1London (Geeska)- Sannadahan dambe oo hab-nololeedka dunidu is beddelay,  dumarkuna ay si xawli ah ugu soo badanayaan shaqo tagga, ayaa waxaa doodo ka taagan yihiin awoodaha iyo kartida rag iyo dumark, waxa aana soo baxaysa in dumarka oo mrarka hore dhaqamo badani ku xaman jireen jileec iyo taabgaabni ay taas iskaga riixeen dhinaca ragga.

Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in raggu aanay awoodin in laba shay ay hal mar wada qabtaan, taas oo ay aad ugaga duwan yihiin dumarka oo laba iyo ka badanba isku qaban kara. Waxa aanay khubaradu arrintan la xidhiidhinayaan ragga oo cilmi ahaan la ogaaday in marka ay noqoto in ay dhowr shaqo mar keliya wada qabtaan ay u baahan yihiin in ay isticmaalaan qaybo badan oo maskaxdooda ka mid ah iyo weliba in dhowr arrimood oo ay hadba mid dareenkooda ku jeediyaan y uga baahan tahay in ay tamar badani ku jirto.

“Mark aan lagaba hadlin dhiddig iyo lab, waxaa cilmigu uu aaminsan yahay in awood u yeelashd in dhowr hawlood mid kasta mar dhugmadaada iyo dareenkaaga ku wareejisaa, ay u baahan tahay in aad ka shaqaysiiso qaybo gaar ah oo maskaxda ka mid ah” Sidaa waxaa sheegay wargeyska Daily Mail oo faafiyey natiijada daraasaddan cusub ee uu Geeska Afrik Afsoomaaliga u rogay. Caadi ahaan aadamaha oo dhami waxa ay awood u leeyihiin in saddex dhinac oo maskaxdooda ka mid ah ay mar ka wada shaqaysiiyaan, laakiin maskaxd dumarku waxa ay dheer tahay in marka saddexda qaybood mar ay ka wada shaqaysiinayaan ay uga baahan tahay tamar iyo dadaal aad u yar marka la barbar dhigo inta uu ninku u baahan yahay.

Khabiir ka tirsan xarunta badbaadada iyo caafimaada ee dalka Ingiriiska, ay sheegay in raggu ay sidoo kale u tamar dheeraad ah u baahan yihiin haddii ay rabaan in ay isticmaalaan qaybaha kale ee maskaxda, taas oo aanay dumarku iyagu u baahayn, waxa aanu macnuhu noqony in shaqada ah in qofku uu dhowr shaqo mar keliya isku dhex wado oo hadba mid ku jeestaa y ay ragga ku keento gaabis marka la barbar dhigo dumarka oo si sahal ah u awooda.

Daraasddu waxa ay sheegtay in raggu ay xaaladda ka siman yihiin da’ kasta oo ay yihiin laakiin dumarku ay kaga duwan yihiin oo inta ay da’doodu 50 jir ka yar tahay ay wax badan awoodaan, laakiin haddii ay dhaafaan da’daas aanay sidii hore ahaanayn ee ay hoos u dhacayso awooddaasi.

Svetlana Kepsova oo ahaa cilmibadhha ugu sarreeyey xeeldheereyaasha daraasaddn sameeyey ayaa isaga oo sharraxaya waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Natiijada aanu gaadhnay waxa ay tilmaamaysaa in dumarku ay si fudud u awoodayaan in ay dareenkooda dhowr arrimood mar keliya ku wada mamulaan, marka la barbar dhigo ragga, sidoo kale in dumarka mskaxdoodu aanay u baahnayn in juhdi iyo waxyaabo dheeraad ah lagu kabo marka ay hawl badan oo sidan ah hayaan, halka ay raggu taas lidkeeda yihiin.

Waxa ay khubaradu sheegeen in tamartaas u dhowrsamaysa dumarku ay inta badan tahay ta sababta u ah in gabadhu cadaadis badan iyo mawqifyo adag oo kala duwan oo maskaxdooda duwi lahaa ka badbaadaan.

Si kastaba ha ahaato ee khubaradu waxa ay awoodi waayeen in arrintan sababt cilmiga ah ee keentay, ay fasiraad intaas ka badan ka bixiyaan, maadaama oo dad badani is weydiinayaan sababta maskaxda ragga iyo tan dumarku ay sidaas ugu kala duwanaadeen.