Lixdii Ilbidhiqsi Ee Kasta Hal Qof Ayaa Dunida Ugu Dhinta Sababta Sigaarka, Dawlad Keliya Ayaana Illaa Hadda Dalkeeda Ka Mamnuucday

0
696

1Hargeys (Geesk)- Lixdii ilbidhiqsi ee kasta ee dunidan aynu dul joogno hal qof ayaa dunida uga hoyda sabaab l xidhiidha xaaladaha caafimaad darro ee k dhasha sigarka, taas oo macnaheedu yahay in halkii saac ee kasta ay 300 oo ruux u dhintaan sigaarka dartii, maalin kastana 7 kun iyo 2 boqol. Warbixin ay soo saartay haayadda caafimaadka adduunkuna waxa ay daaha ka fayday in qarnigii labaatanaad ee aynu ka soo gudubnay ay dunida 100 milyan oo qof ugu dhinteen sababo la xidhiidha caafimaadk, taasina ay u dhigmayso celcelis ahaan in sigaarku uu sannad kasta galafto 6 Milyan oo ruux, kuwaas oo u qaybsan 5 Milyan oo ah dadka sigaarka cabba ama cabbi jiray iyo 600 oo kun oo qof oo iyagu aan sigaarka cabbin laakiin ku nool deegaan lagu cabbo ama ay ku xeeran yihiin dad cabba oo qiiqiisu ku baxayo.

Si kastaba ahaato ee illaa hadda dawladaha dunida oo

dhami waxa ay ka warwareegayaan in ay dalalkooda ka mamnuucaan nuugista sigaarka la isla qirsan yahay dhibtiisa, marka laga reebo dalka Turkmenistan oo sannadkii hore ku mamuucay wareegto sharci oo uu madaxeynaha dalks Berdi Muxammedoof, soo saaray, waxa y wareegtadani cddaynysaa in ganacsadaha lagu qabto isaga oo iibinya sigaar iyo dhammaan wax-soo-saarrada buuriga la xidhiidhsan, la saari doono ganaax lacageed oo dhan 1700 oo doolarka Maraykank ah. In kasta oo sigaarku uu weli dalka Turkmenistan ku galo qarsoodi, haddana go’aanka madaxweyne Muxammedoof, waxa uu si aad ah u dhimay nuugista sigaarka ee dalkiis, sigaarka kootarbaanka lagu soo geliyo dalkan waxa lagu kala iibsdaa qiime aad u sarreeya oo bogoska sigaarka ahi gaadhayo illa 11 Doolar. 

Madaxweyne Muxamedoof wax uu sheegay in sababta uu sigaark u mamnuucay ay tahay in uu rumeeyo riyadiisa ah in sannadka 2025 ka uu dalkiisa ka dhigo dal nadiif ka isticmaalka buuriga noocyadiisa oo dhan. Madaxweyne Muxamedoof waxa uu caan ku yahay muddadii dalkiisa in uu si aad ah u horumriyey una xoojiyey nolosha iyo hab-nololeedka caafimaad ee dalkiisa.