Waa Halkudhegyo Si Xikmad Leh Uga Hadlaya Dumarka Iyo Duruufaha Kala Duwan Ee Ku Xeeran Nolosha Qoyska

0
12026

Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ka mid ah qormooyinkii aynu ku eegaynay halkudhegyada xikmadaysan ee laga dheehan karo duruusta iyo cibaarooyinka la xidhiidha guud ahaan nolosha, iyo si gaar ah qormadan oo ku aaddan waxa laga yidhi haweenka:

– Ciqaabta ugu xanuunka badan gabadhu waa in ay daacad u noqoto nin aanay jeclayn.

– Gabadha cafiska badani waa ta ceebaha ninka ku eegta il keliya, tan kalana isku qabata.

– “Waxa aan ahay gabadh qurux badan, qalbi wanaagsan oo xitaa hooyadaa kaa jecel” Waa sidaas aragtida gabadhu ku waajahdo ninka.

– Gabadha sharka badani haddii ay wax jeclaato dadka kale ayaa ay dishaa, gabadha sharafta samaha badanina haddii ay wax jeclaato nafteeda ayaa ay dishaa.

– Guurku waa waxa koowaad ee uu faqiirku ku fikiro, waxa labaad ee uu maalqabeenku ku fikiro iyo waxa ugu dambeeya ee uu ninka caqliga badani ku fikiro.

– Haddaad aragto nin da’ yari shaqada kaga hawlgabay, ogow in uu hayo shaqo kale oo jacaylka la xidhiidha.

– “Haddii aad doonayso in dumarku ku jeclaadaan u dhaqan si dadka yaab ku ah. Waxa aan garanayaa nin caadooyin dadka ka yaabiya lahaa, timaha waa uu la bixi jiray, dharka xagaagii ku habboon jiilaalka ayaa uu xidhan jiray, dharka dugsoon ee qaboobahana xilli kulaylka ayaa uu xidhan jiray. ninkaas dumar oo dhan ka daba dhacay” Aniis Mansuur.