Dawladda Ruushka Oo Ku Hanjabtay In Ay Facebook Mamnuuci Doonto Sannadka 2018 Ka

0
1239

Moosko (Geeska)- Wakaaladda la socoshada internet ka ee dalka Ruushka ayaa salaasadii ina dhaaftay soo saaray digniin ay ku sheegayaan in sannadka 2018 uu Ruushku xidhi doono burkulanka bulshada ee Facebook, haddii aanay u hoggaansamin shuruucda shuruucda dalkaas ee la xidhiidha kaydinta xogta dadka Ruushka ah.

“Sharcigaas ku dhaqankiisu waa ku waajib cid kasta” ayaa uu yidhi Alexander Zharov oo madax ka ah wakaaladda la socoshada internetka oo lagu magacaabo Roskomnadzor Telecoms Watch Dog, mar uu magaalada Mooko kula hadlaydy warbaahinta. Isaga oo intaas ku sii daray, “Waxa aan ka shaqayn doonnaa sidii aanu Facebook ugu ilaalin lahayn in ay sharcigan raacdo”

Sharci muran badan dhaliyey oo dawladda Ruushku ay dhaqangelisay sannadkii 2014 ayaa shirkadaha shisheeyaha ah ee bixiya adeegga dhambaal dirista iyo warisgaadhsiinta, kuwa leh bogagga xog raadinta (Sida Google) iyo kuwa xidhiidhka bulshada laga rabo in ay xogta macaamiishooda Ruushka ah ku kaydiyaan gudaha dalka Ruushka.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay, Zharov oo ka hadlaya waxa dhici kara haddii shirkadaha xidhiidhka bulshadu diidaan u hoggaansamidda sharcigan, waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Wax kasta oo dhacaba, waxa ay taagan tahay laba arrin uun, in ay fuliyaan sharciga ama in shirkadda laga joojiyo shaqada gudaha Ruushka, sida nasiibdarro horeba ugu dhacday barkulanka bulsho ee LinkedIn”

Sannadkii hore ayaa shirkadaha bixiya adeegga Internet ku ay hawada ka saareen barkulanka bulshada ee LinkedIn kadib markii ay jebisay sharciga kaydinta xogta shakhisga ah ee gaarka ah”

Warka masuulkan Zharov ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii Facebook ay qiratay in bogagga iyo akoonno been abuur ah oo xayeysiis ahaan iibkooda lacag looga bixiyey ay saamayn  ku yeesheen doorashadii Maraykanka. iyada oo ay masuuliyiinta Facebook sheegeen in ay arrintan iyo xogta la xidhiidha u gudbin doonaan dawladda Maraykanka.

Waxa kale oo ay hanjabaadda Ruushku ku soo beegantay waqti lawada sugayo doorashada madaxtooyada Ruushka oo dhici doona bisha Saddexaad ee sannadka dambe iyada oo la og yahay in mucaaradka madaxweynaha Ruushku ay shabakadda Facebook si aad ah ugu adeegsadaan ol’oleyaashooda, abaabulka taageerayaashooda iyo gudbinta fariimahooda muhiimka ah.

Alexei Navalny, hogaamiyaha mcuaaradka Ruushka ee doonaya in uu horistaago madaxweyne Putin ayaa ay u muuqataa in laga xidhi doono barkulanka Facebook si aanu taageerayaasha ula xidhiidhin.

Masuulka Ruushka u hadlay oo warbaahinta u sheegayey waxa uu filan karo, haddii Facebook laga mamnuuco Ruushka ayaa yidhi, “Si fiican ayaa aanu u fahansannay, in dad aan yarayn oo Ruush ahi ay isticmaalaan Facaehook, laakiin dhinaca kalana waxaa xusid mudan in shabakaddani aanay ahayn tan keliya ee jirta, balse ay jiraan kuwo badan oo bulshadu ku xidhiidhi karto haddii Facebook la xidho”