Waa Ay Dhimatay, Laakiin Waxa Ay Sabab U Noqotay Nolosha Toddoba Ruux Oo Quus Ku Dhowaa

0
708

London (Geeska)- Laba waalid oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa qaatay go'aan ku adkaa oo ah inay fuliyaan dardaaranka inantooda ee ahaa in marka ay dhimato ay tabaruc lagu bixiyo xubnaheeda muhiimka ah. lammaanahani waxa ay isku waafaqeen in dhakhaatiirta gacanta ku haysay xaaladda caafimaad ee inantooda oo si xun ugu dhaawacantay shil baabuur ay ka furaan mishiinka loo yaqaanno mishiinka nolosha.

Waxa ay dhakhaatiirtu aaminsan yihiin in marka ay maskaxda qofku joojiso shaqada uu qofkaasi yahay qof dhintay oo aan lahayn rajo nololeed, laakiin qalabkani uu muddo u sii ekeysiinayo qof nool. Sida ay jariiradda Daily Mail ku warrantay labada waalid ee inantani waxa ay fuliyeen dardaaranka inantooda ee ahaa in xubnaheeda lagu deeqo, taas oo keentay in markii ay dhakhaatiirta cisbitaalka magaalada London ee Royal Hospital ay qalniin ku sameeyeen inantan kadibna xubnaheedii muhiimka ahaa geliyeen 7 qof oo xubnahan la'aantood lagu waday inay dhimanayaan.