Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Oo Golaha Guurtida Ugu Baaqay In Si Cadaalada U Dhameeyaan Khilaafka Kulmiye, Oo Aanay Dhinacna Garabka Saarin

0
622

Picture8Hargeysa (Geeska) -Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, ayaa Guddida Golaha Guurtida ee ku hawlan soo afjarida khilaafka u dhexeeya labada Garab ee Xisbiga Kulmiye ugu baaqay inay si cadaaladi ku dheehan tahay, oo dhex dhexaadnimo ah u xaliyaan khilaafka ka dhex taagan Madaxda Xisbiga Kulmiye. Suldaanka Guud ee beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, oo Wareysi khaas ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Bulshada kala duwan ee  Somaliland ugu baaqay in aanay dhex galin oo aanay ku milmin khilaafka ka dhex aloonsan Xisbiga taladda dalka haya ee  Kulmiye, waxaanu sheegay in aanay meelna kala tagayn Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye. Suldaan Xasan ayaa waxa kale oo uu ku taliyey in aad loo adkeeyo amaanka guud ee dalka fiiro gaar ahna loo lahaado cid walba oo wada nabadgeliyo daro, waxaanu  ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Wada tashi ayeyna ku soo gaadhay heerkan aynu Maanta marayno, Illaahay idinkiina wada hadal ayuu ku dhamaan doona Khilaafkani, Mandaqad Dab ka qiiqaayo ayeynu ku dhex jirnaa, in Amaanka la adkeeyo, Qof kastaana xil iska saaro Nabadgeliyada ayaa wacan, oo aad loo feejignaado”.

Suldaan Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Carab iyo Labadiisa Daan ayaa is qaniina, khilaaf kasta oo yimaadana in wada hadal lagu dhameeyo ayaa loo baahan yahay,Madaxweyne Siillaanyo iyo Muuse Biixina cid iskaga dhawi ma jirto”.

Suldaan Xasan mar uu ka hadlaayey Guddida Golaha Guurtida ee ku jirta xalinta khilaafka Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “Golaha Guurtida, inaga ayaa  dooranay, waa Odeyaashiini, markaas in Guddida Golaha Guurtida ee wada soo daminta khilaafka Xisbiga Kulmiye, waxaan ka codsanaya oo aan ugu baaqay inay Cadaalada ilaaliyaan, inay Cadaalada adkeeyaan, kana gutaan waajibkooda, oo dhex noqdaan, garabna aanay dhinac saarin, garabna aanay ka hiilin, ee sida Illaahay ku ogyahay ee xaqa waafaqsan xilkooda iyo waajibkooda saaran u gutaan, khilaafkana soo afjaraan”.   

Suldaanka Guud ee beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaan Bulshada reer Somaliland iyo wax-garadkiiba ugu baaqaya in khilaafkan taagan cagta loo dhigo oo aan la sii kicin,maxa yeelay in Labadan Garab ee Kulmiye ee is haya midna waxba u qaban mayso, waxbana umana tarayso, ee wixii dhib ah ee waxyeelada iyo dhibaatada keenaya ha la joojiyo, dhexna wax walba ha loo ahaado”.