Gabadha Ayaa Ninka Kaga Fiican War Tebinta, Laakiin Iyadana Ku Talax Tagga Ayaa Ku Badan Markaasuu Beenalay Moodaa

0
614

Picture9Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii ka waramaysay kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa ayaa uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay buugga les hommes, Le sexe, etc. ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska  

– Khubarada cilmiga bulshadu waxa ay aaminsan yihiin in dumarku ay ragga aad ugaga fiican yihiin tebinta warka, qoraa ku xeel-dheer cilmiga bulshada oo doonayey in uu arrintan u ekeysiiyo mid waafaqsan abuurka dabiiciga ah ee labada jinsi ayaa isna ku sii talax tegey oo ku dooday in gabadhu ay abuur ahaan ninka kaga fiican tahay tebinta warka, waabu ku sii talax tegey oo uu sheegay in wariyihii ugu horreeyey dunidu uu haween ahaa, hadda waxa uu u jeedaa hooyadii aadama ee Xaawa, oo waxa uu u socdaa waa qisada aynu naqaanno ee ah in Xaawa uu Ibliis u yimi oo uu u sheegay in ay geedkaa cunaan iyada iyo Aadam (CS), oo haddii ay cunaan ay noqon doonaan laba malag ama waari doonaan. Sida aynu qisadaa ku hayno Xaawi warkan waxa ay gaadhsiisay Aadam oo markii dambe ay ku qancisay in ay geedka cunaan. Ninkanina waxa uu halkaas ka soo dheegtay in asalkeedaba ruux dumara uu ahaa qofkii ugu horreeyey makhluuqa ee war tebiyaa, oo waa Xaawa, taasina ay muujinayso in dumarku ay ragga kaga fiican yihiin war tebinta.

Taas oo qudha sababtu ma’aha, sida aynu hore uga soo warannay dabeecadda abuurka ah ee ninka ayaa ay tahay in aanu dhegeysan tafaasiisha iyo faahfaahinta badan ee warka oo uu ku koobnaado muhiimaddiisa, sidaa awgeed ninka waxaa ku adag in uu warkaas cid kale u sii gudbiyo ama ugu yaraan si faahfaahsan uga sheekeeyo, waayo isaguba tafaasiishii ma’ hayo oo sooma uu dhegeysan. Laakiin gabadhu waxa ay u darban tahay in ay sheekada tafaasiisheeda dhegeysato, oo qofka u waramaya ay weydiiso, sidaa awgeed si sahal ah ayaa ay u sii gudbin kartaa qisada ay hayso.

– Gabadhu waxa ay cabbirayso waa ay ku talax tagtaa, markaasuu ninkuna u fahmaa in ay been sheegayso:

Weli waxa aynu ka hadlaynaa kala duwanaanshiyihii abuurka ahaa ee labada jinsi u dhexeeyey, tusaalayaasha arrintaa muujinaya iyo daraasadaha lagaga hadlayna ma’aha kuwo si dhayal ah loo soo koobi karo, laakiin si kooban ayaa aynu u dul mari doonnaa:

Waa dabeecadda abuurka ah ee gabadha in ay ku talax tagto cabbiraadda arrimaha ay ka hadlayso, waa arrin xidhiidh la leh abuurka maskaxda iyo dabeecadeeda dhalashada ah. Laakiin waxa ay ka mid tahay arrimaha ugu badan ee ay ragga iyo dumarku isku khilaafaan, tusaale ahaan; gabadha oo ninkeeda kala hadlaysa shidaalka gaadhiga ay wada isticmaalaan ayaa odhanaysa, “Aniga ayaa mar kasta buuxiya shidaalka” ama ninka ay xafiiska shaqo-wadaagga ku yihiin ayaa ay ku odhan, “Aniga ayaa dhukumantiyadan mar kasta habeeya ama koobi gareeya” iwm. Keliya waxa ay doonaysaa in ay u sheegto in hawshaas ay ka hadlayso culayskeedu iyada ku dhaco oo ay iyadu inta badan qabato, waana suurtogal in ay runteed tahay oo ay iyadu inta badna sidaa yeesho, laakiin ceebtu waxa ay tahay in ninku uu wax ku dhegeysto maskaxdiisa qaybta midigta xigta oo ah qaybta inta badan qaabbilsan in arrimaha ay u qiimayso si aan dhayalsi iyo kaftan ahayn ee xaqiiqo ah, sidaa awgeed markaba waxa uu u fahmayaa in ay gabadhu been sheegayso, mana qaldana oo waxa uu og yahay marar badan oo qudhiisuba uu shidaalka soo buuxiyey ama dhukumantiyada xafiiska habeeyey ama koobi gareeyey.