Ururka Wadani Oo Maalintii Ololaha Ku Bedelay Samo-fal Biyo Qaybin Ah

0
519

wadanHargeysa (Geeska) Ururka Siyaasadeedka WADDANI oo ayaa shalay Ololahiisii Doorashada Golayaasha Deegaanka u bedeley arrimo samofal oo ay ka faa,iidaysteen dad tiro badan oo ka mid ah dan yarta ku dhaqan Magaaloyinka waaweyn iyo waliba degmooyinka. Hawshaas samofal ayaa ahayd mid biyo dhaamis ah, waxaana booyado biyo ah loo geeyay dadka ku nool xaafadaha Hargeysa ee biyaha u baahan.

Waxaana arrimahaasi samofal ee lagu cawinayey dadka muwaadiinta ah ee danyarta ah hormood ka ahaa Masuuliyiinta ugu saraysa Ururka WADDANI oo uu hogaaminayo Gudoome Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (cabdiraxmaan Ciro) oo ka qayb galay dhowr goobood oo ka tirsan Caasimad Hargeysa halka gobolada  kale ee dalkana ay ka qayb qaadaneen mucaawimadani Masuuliyinta heer gobol iyo heer degmo ee Urur Siyaasadeedka WADDANI.

Caasimada Hargeysa waxaa shalay subaxnimadii  ay Masuuliyiinta Ururka WADDANI oo uu hormuud  ka yahay Gudoomiyaha Ururka ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cacdilaahi (cabdiraxmaan Ciro) socod ku mareen goobo dhowr  ah oo ka tirsan Caasimada Hargeysa  iyaga oo masuuliyintaani oo isugu jira madaxda Ururka iyo musharaxiinta golaha deegaanka ee Caasimada  ku qaybiyeen goobo kala duwan  booyado biya ah kuwaasi oo tiro ahaan gaadhayey 40 booyadood waxaan ugu horay Masuuliyiintaasi ay tageen Garoonka tareedhiska halkaasi oo ay igu yimaadeen taageerayaal garoonka buux dhaafiyey .

Ugu horayntii waxaa taageerayaashaasi la hadlay  Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka WADDANI ee gobolka Maroodijeex Md Saalax Maxamed Idir  (shiine) oo dadwaynaha isu soo baxay la hadlayaa ayaa sheegey hadii ay doortaan in uu wax badan u qabandoono Caasimada Hargeysa w axaana hadladii ka mid ahaa “anigu waxaan ahay Musharax golaha deegaanka u taagan waxaanan balan qaadayaa in aan wax badan qaban doono dadwaynaha hadii ay I doortaan xusbiga aan ka sharaxanaya ee WADDANI waxaa xisbi balaadhan oo dadku siman yihiin waanan ku rajo waynahay in ay soo bixidoono manta waad aragtaan oo waxaa inala joga gudoomiyihii ururka WADDANI ahna gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland waxaan halkan kaga gudoomaynaa   5 booyadood oo biyo ah waxaanan idinka doonayaa dadka degmada Axmed Dhagax  in ay ii codeeyeen “

Waxa kale isna halkaasi ka hadlay Cismaan AFgaab oo ah Gudoomiyaha Ururka WADDANi ee Gobolka Togdheer oo dadwaynaha ugu baqay ku dhaqan degmada Axmed Dhagax in ay u cadeeyaan musharaxintooda

Gudoomiyaha Golaha Wakiilad ahna Hogaamiyaha Ururka WADDANI oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa dadwaynaha isu soo baxay uga mahad celiyey sida quruxda badan ee ay taageeraada igu muujiyeen isla markaana  ku wareejiyey Shanbooyadood oo biyo kuwaasi oo uu Ururku ugu talo galay samafal ahaan in ay uga faa,iidaystaan dadka danyarta ah waxaana ereyadiisii ka mid ahaa “walaalayaal aad baad ugu mahadsan tihiin sida quruxda badan ee aad isugu soo baxadeen waxaana laydka doonayaa sidaa aad isugu soo baxdeen in aad musharixintiinana ugu codaysayaa. Maanta  Ololahii doorashada ee Maalinta WADDANI waxaa uu u bedelnay in aanu biyo qaybino  dadka taagta daraan waayo waad ogtihiin Hargeysa biyo la,aan ayaa ka jirta walaalayaal Hargeysa 70% biyo ma helaan aniga gurigayga waxaan deganaa 10 sano biyona ma helo booyad ayaa ii shubta  waxaa kale oo  aan idin ku la dardaarmayaa in aan nabada ilaalisaan oo qof waliba si joogto ah uu ula shaqeeyo Ciidamada Amaanka walaalayaal Somaliland ha noolaato hanoolaato.”

Gudoomiye Ciro waxa kale uu soo maray dhowr meelood oo ay ka mid yihiin Garoonka wayn ee Xawaadle oo ay isugu soo urureen taageerayaal tiro badan waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay musharax Kadar Cabdilaahi Madar oo ka mida Musharaxiinta uga tartamaya Ururka WADDANI Caasimada Hargeysa iyada oo sid oo kale tiro booyado biyood oo deeq ah lagu wareejiyey dadka Xaafadaasi.

Ka dib waxaa  Gudoomiyuhu gaadhay Qudbiga sheikh  Madar oo ay joogeen boqolaal ka mida taageeryaasha musharax  Xasan Xaydh  iyada oo dadwaynaha isu soobaxay uu kula hadlay Mursharax Xasan Xaydh isaga oo dadwaynaha u baqalan qaday hadii ay doortaan in waxbadan u qabandoono.

Magaalada Boorame sidoo kale waxaa ololaha doorashada ee isu soobaxa Ururka WADDAN  ka dhacay Magaalada Boorame ee Xarungta gobolka Awdal oo Maasuuliyiinta  isu soo baxaasi kala qayb galay ay ka mid ahaayeen Gudoomiye Ku xigeenka Koobaad ee Uruka WADDANI Md Axmed Muumin Seed ,Musharxiinta Golaha Deegaanka ee Degmada iyo Masuuliyiin iyaga oo ololahoodii u bedelay biyo gelin ay biyo geliyeen 30 guri oo kuyaala gudaha Maagalada Boorame waxaa kale oo biyo gelintaasi ka faa’iidaystay Maagalooyinka Dila iyo Magaalo Cad.

Magaalada Berbera ,Magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil ayaa ka mid ahaa Magaalooyinkii ay dhoolatuska lixaadka leh ku sameeyeen taageerayaasha Ururka WADDANi iyada sidoo kalen ay qaar ka mida Mushariinta Golaha Deegaanka ee  Degmada ay Tiro xoolo nool oo deeq ah gaadhsiiyeen dhakhtarka dhimirka ee Magaalada Berbera Iyo goobo kale oo kala duwan .

Magaalada Burcosida Magaalada Burco waxa ay ka mid ahayd meelaha ay sida xad dhaafka ah isugu soo baxeen shaaricyada waa wayn ee magaalada waxaa kale oo magaalooyinkii sida wayn lagu soo baxay ka mid ahaa Magaalada Laascaanoodee Xarunta Gobolka SOOL, Ceerigaabo ,Oodwayne,Ceel Afwayn,Caynaba, Saylac, Gebilayoo dhamaantood uu Ururka WADDANI Ololahiisii Doorashada Golayaasha Deegaanka ee Maanta ugu bedelay Deeq samafal taasi oo lagu salaynayey Magaalo waliba wixii ugu baahi badan yihiin dadkeedu.