Machadka Barashada Culuunta Baananka Islaamiga Ah Oo Hargeysa Loogu Wanqalay

0
650

opopopoHargaysa( Geeska)- Machadka IBF oo lagu baran doono culuumta baananka islaamiga ah oo darajooyin kala sareeya ah, ayaa si rasmiya xafladiisii furitaanka loogu qabtay magaalada Hargaysa.

Masuuliyiinta aasaastay machadkan ayaa daboolka ka qaaday inay ugu talo galeen sidii loogu salayn lahaa dhaqaalaha dalka Somaliland nidaamka islaamiga ah ee xisaabaadka iyo waliba sidii loo soo saari lahaa dad aqoon balaadhan u leh baananka islaamiga ah iyo xisaabaadka dadka muslimiinta ah.

Waxaanay guud ahaan ugu baaqaeen ganacsatada,dhalinyarada iyo cid kasta oo doonaysa inay helaan aqoonta baananka islaamka inay maxadkan u soo raadsadaan aqoontaas.

Xaflada loo qabtay furtaanka machadkan IBF waxa ugu horayntii ka hadlay gudoomiyaha jaamacada Golis Dr. Saciid Axmed Xasan oo ka warmay faa’idada ku jirta baananka islaamiga ah, waxa kale oo hoggaamiyaha jaamacada Golis faahfaahin ka baxiyay sida ay jaamacadoodu da’daalka ugu baxiso inay kobciso aqoonta dadka reer Somaliland, waxaanu sheegay inay sida oo kale da’daal ku baxiyaan sidii ay hormuud ugu noqon lahaayeen inay soo hoyaan aqoonsi caalamiya oo ay waxbarashada Somaliland ka hesho dunida kale.

Gudoomiyaha machadkan IBF Cumar Xaaji Xuseen oo xafladaas faahfaahin kaga bixinaaya machadkan waxa uu yidhi “ Machadkan waa mid aan dalka hore uga jirin waa aragti cusub oo lagu soo kordhiyay dalka oo aynu doonayno inaynu ku islaamayno aqoonteena, waxaynu u baahanahay waxii adduunyada iyo aakhiraba ina anfacaaya labadaba, machadkan waxaanu u garanay inaan u baxino Institute Of Islamic And Financial Studies, waxaanad ka dhadhansanaysaan laba arimood oo kala ah baananka islaamiga ah iyo xisaabaadka umad muslim ahi ay leedahay.” Gudoomiye Cumar isaga oo hadalkiisa siiw ata waxa uu yidhi “ Machadkan haddii aan mar labaad ku soo noqono waa machad loo diyaariyay dhalinyarada Somaliland wiilal iyo gabdhaba,waa mid loo diyaariyay dadka aqoonta leh, dadka doonaya inay if iyo aakhiraba liibaanaan.”

Ugu danbayntii gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe iyo wasiirka wasaarada qorshaynta Dr.Sacad Cali Shire, ayaa si diiran u soo dhaweeyay machadkan waxaanay ka warameen faa’idada ay u yeelan karaan Somaliland, iyaga oo xusay in dhaqaalaha Somaliland kor u kac iyo waliba shaqo abuur u samayn karo haddii la helo baanan islaami ah iyo waliba dad leh aqoonteedii.