Taliye Fadal Oo Ka Hadlay Eedayn Uu Dr. Gabose Ku Sheegay In Xubno Laga Xidhay Ururkiisa

0
522

fadalHargeysa(Geeska)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa shalay shaaca ka qaaday sagaal baabuur oo cusub oo ay ugu tallo-galeen inay adeegsadaan qeybaha kala duwan ee Booliska goboladda dalka.

Taliyuhu wuxuu sidaasi ka sheegay xaflad lagu qabtay xarunta ciidanka birmadka booliska ee Magaaladda Hargeysa, waxaanu tilmaamay in sagaalkan baabuur ay ku hawl-geli doonaan Booliska Goboladda Salel, Awdal, Gabiley, Saaxil iyo laamaha ciidanka birmadka ee magaalooyinka Burco, Ceel afweyn iyo Ceerigaabo.

Taliye Cabdilaahi Fadal waxa uu sheegay in gaadiidkan loogu tallo-galay inay ku hawl-galaan Booliska gobolada ka fog caasimaddu xiliga doorashada deegaanka.

Taliyaha Boolisku waxa uu xusay in ciidanka boolisku ay kor u qaadeen feejignaantooda iyo adkaynta nabad-gelyada xiligan oo uu carabaabay inay doorashadii deegaanku dalka ka qabsoomayso toban maalmood ka dib.

Taliyaha Boolisku waxa kale ka hadlay eedayn uu dawladda u jeediyay guddoomiyaha ururka Umadda Dr. Maxamed Cabdi Gabose, oo la xidhiidha murashixiin ururkaas ka tirsan oo la xidhay.

Taliyuhu wuxuu sheegay 31-kii bishii hore ay mid ka mid ah murashaxiinta UMMADDA ee Hargeysa lagu xidhay diin cay, waxaanu carabaabay inay Guddoomiyaha UMMADDA ka wada hadleen arrintaasi isla markaana maxkamadi xukuntay ka dibna la sii daayay.