Urtu Waxa Ay Leedahay Awood Ay Dib Ugu Soo Celin Karto Xusuuso Hore Qofku U Illaaway

0
559

Picture3

Hargeysa (Geeska)- Marka uu qofku ur gaar ah uriyo, haddii ay jirto dhacdo urtan xidhiidh la lahayd oo hore u soo martay, murugo iyo farxad ta ay ahaydba, waxaa hubaal ah in markaba xasuustiisu ay dib u soo celinayso. Sababtuna waa in maskaxda qaybteeda qaabilsan xasuusta iyo qaybteeda qaabilsan urtu ay isku qayb qudha yihiin.

Steven Shiea oo ah xeeldheere hoggaaminayey koox khubaro ah oo arrintan daraasad ku samaysay ayaa sheegay in uu jiro xidhiidh ka dhexeeya xasuusta iyo urta isaga oo arrintan faahfaahinayana waxa uu yidhi, “Tusaale ahaan marka aad soo gasho qolka qof ka mid ah ehelkaaga ama qoyskaaga ee aad uriso urta dhidid ama udugga uu isticmaali jiray qofkaasi, waxa aad markaba xasuusanaysaa qofka iyo xidhiidhkiinii, xitaa haddii uu yahay qof muddo ka hor xijaabtay”

Tijaabo ay sameeyeen aqoonyahan Steven iyo koox cilmibaadhayaal ah oo uu hoggaaminayey ayaa lagu xaqiijiyey natiijada ah in urtu raad weyn ku leedahay xasuusta. Waxa ay sidoo kale dhakhaatiirta neerfayaashu ogaadeen sirta ka dambaysa in qofku ur darteed ku xasuusta waayihiisii carruurnimo ama dhalinyaronimo, taas oo ay ku sheegeen in maskaxda bani aadamka ay ka mid tahay qayb yar oo urta xafidda si adagna u kaydisa, taas oo ah isla qaybta kaydisa xasuusaha. Waxa ay khubaradu sheegeen in xasuusaha urtu sabab u tahay ay mar walba yihiin kuwo ka xoog badan kana firfircoon xasuusaha ay sabab u yihiin dareennada kale ee qofku. Taas oo keenaysa in qofku dhacdada urta xidhiidhka la leh aanu abid illaabin.