Qisada Gabadh Shaarac Weyn La Istaagtay Boodh Ay Ku Qorantahay ‘I Guurso Si Aad Walaalkay U Badbaadiso’

0
584

Picture2

Beijing (Geeska)- Gabadh u dhalatay dalka Shiinaha ayaa dhowaan lagu arkay shaaracyada iyada oo sidata boodh ay ku qortay ogeysiis sheegaya in ay doonayso guur. Laakiin sida boodhka ku cad guurka ay doonaysaa ma’aha mid bilaa shuruud ah, ee waa mid ay u aragto in uu xal u yahay dhibaato haysata oo ay u maaro weyday.

Wargeyska Daily Mail oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa sheegaya in Fan Piying oo xidhan toobka ay dumarka arooska ahi xidhaan ay boodh weyn la istaagtay barxad lagu magacaabo Springs Plaza oo ku taalla magaalada Jinan ee bariga dalka Shiinaha, waxa aanay kor u haysay boodh ereyada ku qoran oo afka Shiinaha ahaa macnahoodu uu yahay, “I guurso, oo badbaadi nolosha walaalkay”

Gabadhan oo 25 jir ah qoyskooda ayaa la sheegay in ay lacag u dhiganta 8500 oo doolarka Maraykanka ah ku bixiyeen daweynta wiil ay walalao yihiin oo uu ku dhacay cudurka Qaaxadu, nasiib darro inankii weli ma’ uu bogsan, lacagtii ay qoyski hayeen ama awoodi karayeenna intaas ayaa ay ku dhammaatay, sidaa awgeed Fan Piying jidka keliya ee ay u aragtay in uu u furan yahay si ay walaalkeed u badbaadisaa waxa uu noqday in ay raadiso nin guursada oo ay shardi kaga dhigto in uu bixiyo kharasha dawada ee walaalkeeda.

Sida uu ku waramay wargeyska Daily Mail inantani waxa ay qol ka kiraysatay hudheel ku yaalla magaalada Jinan oo ay la gashay gabadh kale oo lagaga kireeyey 5 doolar habeenkii, subax kasta marka uu waagu beryo inta ay soo xidhato toobka arooska oo ay ku soo iibsatay 100 Yuan oo ah lacagta Shiinaha una dhiganta 17 doolar ayaa ay istaagtaa shaarac ay dadka iyo gaadiidku aad ugu badan yihiin, waxa aanay kor u qaaddaa boodhka ay samaysatay si qof kastaa uu u arko.

Fan Piying weli ma’ay helin nin aqbala guurka shardigu ku xidhan yahay ee ay dalbanayso, laakiin illaa hadda waxaa talefankeeda soo garaacay rag tiradoodu ka badan tahay 400 oo arrintan kala hadlay, dhinaca kalana dad badan oo u calool dabcay duruufteeda ayaa illaa hadda siiyey lacag dhan 6000 Yuan (U dhiganta 1000 doolar) oo tabaruc ah.