Ururka U Khidmaynta Kitaabka Quraanka Oo Soo Gunaanaday Tartan Quraan

0
590

Picture1

Hargeysa(Geeska):-Ururka u khidmeynta qur’aanka kariimka ah, ayaa soo gebo-gabeeyey tartan qur’aanka kariimka ah oo ay u qabteen sideed dugsi oo ku yaala magaalada Hargeysa, kuwaasi oo muddo sadex bilood ah uu u socday tartankaasi.

Waxaana xaflad loo sameeyey soo gunaanadka tartankan isla mar ahaantaana shahaadooyin iyo abaal-marino lagu guddoonsiinaayey ardayda kaalmaha hore gashay lagu qabtay xarunta jaamacada Golis ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qeyb galay wasiir ku xigeenka wasaarada waxbashada iyo tacliinta sare, guddoomiyaha jaamacada Golis, guddoomiyaha ururka iyo ardayda aad u tira badan.

Guddoomiyaha u khidmeynta qur’aanka kariimka ah Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalla, oo halkaasi ugu horeyn ka hadlay, ayaa ka waramay muhiimada ay leedahay illaalinta kitaabka qur’aanka kariimka ah.

“Kitaabkaa qur'aanka Kariimka ah, waxaan doonaynaa in aan illaalino, imika kutubtii sida ay nodeen waad arkaysaan, waa ay googo'een in laga shaqeeyo illaalintooda ayaa loo baahan yahay, jimciyadan dayactirka kitaabka qur'aanka kariimka ah ayaa waxaa loo aas aasay, waana ay dedaaleen, qeyb weyna waa ay ka qaateen, illaa hadana dedaalkii waa ay wadaan innaga waxaa Insha Allah la innaga rabaa in aan kala qeyb qaadano, qof wal oo jamhuuriyada Somaliland joogana waxaan leenahay kutubta noocaas oo kale ah noo ururiya.". Ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalla.

Guddoomiyaha jaamacadaha Golis Pro.Siciid oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa dhankiisa waxaa uu ka balan qaaday in uu waxbarasho bilaasha ugu deeqaayo sadexdii arday ee kaalmaha ugu horey ka galay tartankii qur’aanka kariimka ahaa, waxaana uu u soo jeediyey in ay la yimaadaan dedaal intan ka sii badan.

"Waxaan ku faraxsanahay in aan sadexda arayd ee ugu sareeyey tartanka qur'aanka kariimka ahba aan ka siino deeq warbarasho jaamacadaha Golis, waxaan looga baahan yahay in ay dedaalaan oo aanay imtixaanadooda hooseyn haddii Alleh idmo Insha Allah.".Ayuu yidhi Pro.Siciid.

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Md.Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin oo isna halkaas  ugu danbeyntii ka hadlay, ayaa tilmaamay muhiimada uu leeyahya barashada qur’aanka kariimka ahi, waxaana uu ardaydii halkaasi ku guulaysatay kaalmaha hore u rajeeyey in ay sida oo kale xaga hore ka galaan tartanka qur’aanka kariimka ah ee bisha Ramadaan.

"Dawlada uu hoggaaminaayo madaxweyne Siilaanyo aad ayey u dhiiri galinaysaa qur'aanka, wax gaadhi ku bixiyeyna isaga ayaa jira, tartanada noocan oo kale ahna waa kuwo loogu sii diyaar garoobayo tartanadaas oo raga maanta kaalmaha hore galay aan u rajaynaayo in ay xaga hore ka gali doonaan Insha Allah, waxaana aan idiin rajaynayaa in aad noqon doontana arday heer caalami ah.".Ayuu yidhi Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin.