Ubadka Ay Labadooda Waalid Qaraabada Dhow Yihiin Oo Caafimaadkooda Mustaqbalka Laga Dariyay

0
780

00Badhitaan Caafimaad oo Takhasus ah ayaa caddeeyey in guurka qaraabadu uu sabab wayn ka yahay in ilmaha uu ku dhaco khalkhal iyo dhibaatooyin caafimaad oo jidheed iyo kuwo maskaxda ahba. Khubarada samaysay cilmi baadhistani waxa ay natiijadan gaadheen kadib markii ay soo gabagabeeyeen baadhitaan qoto dheer oo ay ku sameeyeen xanuunnada la iska dhaxlo iyo carruurta dhalata iyaga oo khalkhal jidhka ama maskaxda ah leh.

Dr. Caadil Cashuur oo ka tirsan khubaradan ayaa mar uu arrintan ka faalloonayay sheegay in xanuunnada hiddaha la isugu gudbiyaa ay yihiin xanuunno waqtiyeysan oo dawayntoodu ay u baahan tahay waqti badan iyo dadaal adag. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee dalka Kuwait (Kuna) ayaa lagu sheegay in dhibaatooyinka caafimaad ee ku yimaadda ubadka ay iska dhalaan labada waalid ee qaraabada dhow ah, ay ka mid tahay khalkhal dhinaca cuntada ah, waxa kale oo dhacda in Ilmuhu uu dhasho isaga oo jidhkiisa iyo indhihiisu ay yihiin huruud. Waxa kale oo dhacda in ubadka qaarkood lagu arko in beerku uu gabo shaqooyinkiisa badhkood. Cilmibaadhistan oo werwer badan ka muujisya caafimaadka mustaqbalka ee ilmaha ay iska dhalaan labada waalid ee qaraabada dhow ahi waxa ay intaas ku dartay in korniinkiisa jidheed iyo Maskaxduba ay noqdaan daciif ama ugu yaraan aanay gaadhin halkii ku habboonayd, sababtuna ay tahay sonkorta ku jirta dhiiggooda oo inta badan heerkeedu aad u sareeyo.

Waxa ay khubaradani sheegeen in ilmaha noocan ahi uu u baahan yahay in si joogto ah caafimaadkiisa loola socdo, in cuntada la siinayo ay ku yar tahay Sonkortu, kuna badan yahay Faytamiinku, gaar ahaan faytamiinnada ka qayb qaata korida ilamaha.

Daraasadan oo ay samaysay Xarunta Cilmi baadhista Qaranka ee dalka Kuwait waxa ay hoosta ka xariiqday in ay jiraan xanuunno la kala dhaxlo oo labada waalid ee qaraabada ahi midkood yeelan karo, xanuunadan oo laga yaabo in marka hore aan astaamahooda la arkin. laakiin marka uu ilmuhu uurka gelayo uu Lammaanuhu isu gudbiyo, sidaasna ay ugu gudubto ilmaha dhalanaya. Marka tiro ahaan loo eegana, waxa ay daraasadani ku qiyaastay rajada ah in ilmaha uu waalidkii qaraabada dhow yahay uu la kulmo dhibaatooyinkaa qiyaas ahaan boqolkiiba Shan iyo Labaatan (25%).