Bunka Oo La Ogaaday In Uu Saamayn Taban Ku Leeyahay Xusuusta Maskaxda Dumarka

0
817

Hargeysa (Geeska)- Xeeldheerayaal caafimaad oo baadhitaan ku sameeyey saamaynta uu bunku ku yeelan karo caafimaadka maskaxda ee gaar ahaan dumarka ayaa ogaaday in bunku uu khatar ku yahay xusuusta gabadha. Khubarada samaysay cilmibaadhistan oo tijaabooyin badan sameeyey ayaa sheegay in sababta saamayntan tabani ay tahay unugyada xusuusta ee gabadha oo u nugul maaddooyinka ku jira bunka.

Tijaabada daraasaddan waxaa ka qayb galay 500 oo ruux oo isugu jira rag iyo dumar ay da’doodu ka yar tahay 60 sano, dadkan waxaa laga dalbaday in mid kasta oo ka mid ahi uu maalin kasta cabbo 3 koob oo bun ah, kadibna tijaabo lagu sameeyey isbeddelka dhinaca maskaxda eek u yimi, natiijada soo baxdayna waxa ay noqotay in gabadha aan bunka cabbin ama ugu yaraan aan badsanin awoodda shaqo iyo xusuusta maskaxdeedu ay ka fiican tahay dumarka kale ee iyagu sida aadka ah u cabba bunka. Laakiin isbeddelkaas laguma arag raggii iyaguna tijaabadan lagu sameeyey.

In kasta oo bunka siyaabo badan looga digo caafimaad ahaan, dhakhaatiirtuna uga digaan dadka qaba dhiig-karka, wadne xanuunka iyo xanuuno kale oo badan in ay cabbaan bunka, haddana taas macnaheedu ma’aha in bunku aanu lahayn faa’ido caafimaad. Daraasado hore loo sameeyey ayaa caddeeyey in cabbitaanka bunku ay hoos u dhigto cabsida ah in qofka uu ku dhaco xanuunka maskaxda burburiya ee Alzheimer oo dadka bunka aan cabbin ay boqolkiiba 20 kaga badan yihiin dadka bunka cabba oo caafimaadka maskaxdoodu uu kor u kaco.