U Dhugmo Yeelo Ereyada Aad Sirta (Password) Ka Dhiganayso, Kana Fogow Kuwan Isticmaalkooda

0
648

1Washington (Geeska)- waxaa muddooyinkan dambe aad dunida ugu soo badanaya dadka rabshadda, tuugada iyo dhaca ka geysta shabakadda Internet ka, tusaale ahaan shirkadaha iyo shakhsiyaadka ganacsiga, siyaasiyiinta iyo masuuuliyiinta, dadka caanka ah iyo xitaa dad caadiya ayaa joogto uga cawda in sanduuqyadooda email ka iyo barkulannada bulsho ee internet ka si joogto ah loo jabsado, mararka qaarkoodna xisaabahooda bangiyada la furto.

In kasta oo dadka isticmaala internet ku dadaalaan in ay samaystaan furayaal sir ah oo aan dhayal lagu malo-awaali Karin, haddana weli waa ay dhacdaa in fure uu qofku u haysto in uu adag yahay ay dadka qaar si fudud u fahmaan.

Warbixin arrintan ka hadlaysa oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa uu wargeyska Daily Mail ku sheegayaa liiska furayasha sirta ah ee sannadkii 2016ka loogu jabsi badnaa, si dadku ay uga taxaddaraan in ay fureyaal qaabkaas ah samaystaan. Daraasad warbixintan lagu saleeyey ayaa sheegaysa in dadku ay weli isticmaalaa furayaal ay og yihiin in malo-awaalkoodu fudud yahay, sida isticmaalka furaha ah (123456).

Baadhitaan lagu sameeyey 10 Milyan oo ka mid ah furayaasha sirta ah ee dadku isticmaaleen sannadkii 2016 ayaa muujinaya in boqolkiiba afarta furayaasha sirta ah ee la isticmaalay ay ka koobnaayeen afar Lix god (Xaraf/lambar/ama astaan kale mid kasta oo uu yahay) ama ay ka gaabnaayeen, taas oo macnaheedu noqoayo in barnaamij kasta oo ka mid ah barnaamijyada lagu jabsado akoonnada xidhani uu si fudud u garan karo. Arrinta taas ka sii dhibka badanina waa dadka badankooda oo isticmaala lambarro ay sida tirada tirsiimo ee caadiga ah isugu xigisiinayaan, sida 123456 iwm. Arrintan dambe ayaa iyaduna ka mid ah toddoba fure ee loogu isticmaalka badan yahay dunida oo dhan.

Kuwo u muuqda in ay adag yihiin oo sahal loo jabsan karo:

Baadhitaankan waxaa lagu ogaadayin fureyaal hore loogu haystay in ay adag yihiin ay hadda noqdeen kuwo si sahal ah loo jabsan karo waxaa ka mid ah furayaasha (Passpword) laga sameeyo lambarrada kombiyuutarka ee isu dhow balse aan is xigin, sida in xagga lambarrada laga doorto tiro is xigta sida 123 kadibna la raaciyo xarfaha iyaguna is raacsan dhinaca kombiyuutarka sida qwe, ama in la isku dhex qaso oo tusaale ahaa la’ yidhaahdo 1q2w3e iwm.

Waa maxaysababta fureyaal sahlan dadku u doortaan?

Daraasad sannadkii 2016 ay samaysay jaamacadda Lancaster ee dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in sababta ugu weyn ee ay dadku u doortaan in ay fure fudud isticmaalaan ay tahay iyaga oo aan fahamsanayn muhiimadda khatarta amni ee shabakadda Internet ka dhex jirta.

Arrintani waxa ay sahashay in ugu yaraan boqolkiiba 33 dadka isticmaala fureyaasha sirta ah (Passwords) si sahal ay ay ku gartaan baraamijyada jabsada fureyaasha sirta ah.

Sidee aad u dooran kartaa Fure Aamin ah?

Talooyin kala duwan ayaa ay khubaradu ka bixiyeen habka ugu fiican ee uu qofku ku dooran karo fure aamin ka ah in dhayal lagu jabsado. Waxa aanaka mid ah talooyinkaas:

– Iska jir in aad Password ka dhigato kelmado tilmaamaya ciyaarta aad jeceshay, sida Kubadda Cagta iwm, waayo qofku ciyaarta uu jecel yahay in uu ku saleeyo Password kiisu waxa ay ka mid tahay 10 shay ee ugu xun dhinaca samaysashada Password ka, waxa aanay khatar u tahay in dhaqso loo helo.

– Iska jir in aad Password ka dhigato taariikhda dhalashadaada ama taariikhda dhalashada dadka ehelka dhow kuu ah, sida carruurta iyo xaaska, sidoo kale ha isticmaalin magacyada shakhsiga ah ee dadka qoyskaaga ka midah, sida magaca xaaskaaga ama carruurta magacyadooda, waayo si fudud ayaa loo garan karaa, maadaama oo cidda jebinaysa Password kaagu ay marka hore xog fiican oo kugu saabsan kaa raadinayso, gaar ahaan ka ugaadhsanaysa barkulannada bulshada.

– Iska jir in aad Password ka dhigato, magacyada caanka ah ee la’ wada yaqaanno, sida magaalooyinka iyo magaca dalka.

– Waxa ay khubaradu ku talinayaan in Password kaagu uu ka koobaado 8 god oo isugu jira xarfo, tiro iyo calaamado kale, adiga oo weliba intii suurtogal ah aad isugu dhex daadinaya.

– Waxaa  iyaguna fureyaasha adag kamidah in aad isticmaasho godad kooban (Erey ama tiro gaaban) balse aad ku darto tiro a masaafad (Space) waayo kombiyuutarku masaafadda waxa uu u aqoonsan yahay in ay xarafka oo kale tahay. Ama in aad xuruufta aad u dhexeysiiso masaafad (Space) adiga oo xuruuftana isugu daraya kuw yar iyo kuw waaweyn. Waxa ay ka mid tahay fureyaasha ugu aaminsan.

– Waxaa muhiim ah in aad fureyaal (Passwords) kala duwan u isticmaasho akoonnada iyo bogagga kala duwa ee aad leedahay.