Qisas Iyo Dhacdooyin Xiise Leh Oo La Xidhiidha Dhaarinta Madaxweyneyaasha Maraykanka Kamaal A. Cali…. Qaybta 8aad

0
518

1Donald Trump oo gacanta ku haya warqadda uu uga tegey Obama ayaa inta uu kor u qaaday markii uu si kooban Guriga Cad gudihiisa kula hadlayey warbaahinta waxa uu yidhi, “Xafiiska Guriga Cad ayaa aan tegey, kadib waxa an ka helay warqad aad u heer sarraysa oo uu iga sii tegey Madaxweyne Obama” Isaga oo intaas ku sii daray, “Waxa ay ahayd dhambaal uu igaga horreeyey isagu oo dhibirsanaan iyo wanaag badan muujinaya” Laakiin Donald Trump waxa uu warbaahinta u sheegay in aanu sheegi doonin waxa warqaddaas Obama ku soo qoray, waxa aanu ku koobnaaday in uu warbaahinta tuso bushqadda sare ee warqaddan oo xidhan.

Dalka Maraykaka waxaa muddo dheerba ka jiray dhaqanka ah in madaxweynaha xilku ka dhammaadayuu xafiiska Guriga Cad kaga sii tago dhambaal ku socdamadaxweynaha xilka ka beddelaya. Dhambaalkaas oo xidhan, isla markaana waxa ku qorani marka hore sir yahay, madaxweynaha hore ma sii sheego in uu qoray oo miiska u sii saaray ninka ka dambeeya, sidaa awgeed madaxweynaha cusub isaga oo war la’ ayaa uu si caadiya xafiiskiisa u tagaa maalita uu xilka la wareego, waxa aanu ku war hela warqaddan oo miiska loo sii saray, oo ka timid ninkii xilka ku wareejiyey.

Warqaddaas oo sida aynu xusnay sir ah, ayaa laga yaabaa muddo kadib in labada masuul ee isu qoray midkood ama cid kale oo si uun u aragtay ay soo bandhigto waxa ku qornaa. Inta badan ereyo aad u kooban oo xikmad ku fadhiya ayaa warqadda ku qornaada, laakiin haddana in la ogaado ayaa ay dadku aad u xiiseeyaan, gaar ahaan kuwa jecel in ay ka faalloodaan dareenka madaxweynaha hore qabay iyo weliba qaab-fikirkiisa.

Sannadkii 1993kii, Madaxweynihii 41naad eeMaraykanka  George Bush (Kii aabaha ahaa) oo kamid ahaa madaxdii ugu ayaanka darnayd dhinaca shacbiyadda ee soo mara Maraykan illaa heer uu ku guul darraystay doorashadii madaxnimada ee uu doonayey in uu mar labaad ku sii hayo xilka Madaxweynenimo oo uu hayey afartii sano ee u dhexeeyey 1989kii illaa 1993kii, ayaa markii uu doorashadii ku guul-darraystay waxa uu dhambaal kooban xafiiska u sii dhigay madaxweynihii ka guulaystay oo ahaa Bil Clinton, dad badan ayaa iyaga oo eegaya kala duwanaanshiyaha labada hoggaamiye ee dhinaca siyaasadda iyo weliba guul darrada ku dhacday Bush waxa ay filayeen in ereyada uu dhambaalkan ku xusi doonaa ay noqon doonaan kuwo kakan ama aan ugu yaraan afgobaadsigu ku badnayn, laakiin muddo dheer kadib oo warqaddaas la arkay, ayaa la ogaaday in xaalku sidaa ka duwanaa, “Guusha aad gaadhay, waa guul dalkaagu gaadhay, waana aan ku garab taaganahay” ayaa uu si kooban ugu yidhi dhambaalkaas.

Taas oo astaan u ah niyadwanaag, iyo muwaadinnimo hufan oo faraysa in tartankii xanafta lahaa kadib uu markan garowsaday in la gaadhay waqtigii ay u midoobi lahaayeen wanaagga dalkooda.

Madax cudur haleelay oo shacabku cidda ugu dambaysa ee ogaatay noqdeen:

Hillary Clinton, oo mar ah Xildhibaan muddo ka tirsanaa golaha Kongareeska, marna ahayd, Marwada Koowaad ee Maraykanka, kadib noqotay wasiirka arrimaha dibadda iyo ugu dambayntiina murashax madaxweyne oo aad u shacbiyad badan noqotay, dad badanina aaminsan yihiinin doorashada saxda ah ay iyadu heshay, xaaladdeeda caafimaad aad ayaa looga deyriyaa.

Hillary Clinton waxa ay ku nooshahay dawada Anti-baayotigga (Antibiotics), marar badan ayaa si cad loo arkay iyada oo fagaare joogta oo inta ay diiday ku sigatay in ay dhacdo ama garbaha si dhaqso ah kor loogu qabtay oo dhinaca gaadhigeeda loo luudiyey markii ay caddaatay in aanay cago ku taagnaan Karin. Laakiin in xaalkeedu sidaa u sii xun yahay illaa hadda cidi ma’ ay ogaanin, xilligii doorashada ayaanay inta yar ee laga og yahay aad u faaftay. Illaa maantana cidi ma’ oga xanuunka dhab ahaan haya iyo rajada caafimaadkeeda mustaqbalka.

Hillary Clinton oo keliya ma’aha, ee madax iyo hoggaamiyeyaal badan oo Maraykan ah ayaa xanuunno muddo dheer ay qabeen qarsaday oo geeridooda uun lagu war helay, qaar badan waxaa ku dhacay xaalado caafimaad darro oo wax laga qaban karayey daweyntooda, laakiin qarinta ay qariyeen sabab u noqotay in uu xanuunku gaadho heer aan la daweyn karayn.  La  soco………….