Ilmaha Hooyadii Marka Uu Uurka Ku Jiray Cuntay Faytamiin Waa Uu Ka Fariidsan Yahay Kana Xariifsan Yahay Ka Kale

0
705

1Washington (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan Maraykanka lagu sameeyey ayaa daahfurtay in Faytamiin fiican oo hooyadu hesho xilliga uurku kaalin mug leh ka qaadato in ilmuhu noqdo fariid maskax badan. Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in faytamiinku uu wanaajiyo xusuusta qaybta afka cilmiga lagu magacaabo Procedural Memory oo qayb ka ah xusuusta muddada fog waarta ee ka masuulka ah ogaanshiyaha habka qofku wax u qabanayo, tusaaleahaan sida magaceeda ah xusuusta Habraaca ka muuqata, waa qaybta kaydisa habka socodka, hadalka, fuulidda baabuurka ama baaskiilka iyo habraaca hawlqabasho oo dhan.

Khubaradu waxa ay sheegeen in ilmaha hooyadii cuntooyin Faytamiinno fiican leh heshay xilligii uurku uu carruurta da’diisa ee aan heli Faytamiinkan ka maskax badan yahay ugu yaraan gu’ badhkii inta uu ilmahan kale ku soo gaadhayo.

Cilmibaadhistan Geeska Afrika turjumay oo uu baahiyey wargeyska Daily Mail ayaa lagu sheegay in cilmibaadhayaashan oo ka socday jaamacadaha Harvard, California iyo Lancaster ay baadhistan ku ogaadeen in Faytamiinnada ay ka mid yihiin Folic Acid, Fataymiin B2, B3, B12 iyo D iyo xadiidku ay kaalin mug leh ka qaataan maskaxda ilmaha iyo weliba kobaceeda mustaqbalka oo la dareemo in uu qayrkii ka sarreeyo dhinaca waxbarashada iyo fariidnimadaba.

Daraasad tan ka horreysay oo ay sameeyeen Culimo u dhashay dalka Finland ayaa iyaduna sheegaysay in Nidaamka nafaqayta ilmuhu kaalin mug leh ka qaadato fariidnimadiisa, iyo caafimaadkiisa guud, waxa aana lagu ogaaday in carruurta saddexda sano ee cimrigooda u horreysa cuna khudradda kala duwan, kalluunka iyo cuntada galka leh, (Waddaniga) ay dugsiga noqdaan kuwa ugu sarreeya dhinaca natiijada imtixaanaadka iyo guud ahaan waxbarashada.