Twitter Oo Macaamiisha Geeriyooday Awgood Uga Noqday Go’aankii Tirtirista Akoonnada Aan Aad Loo Isticmaalin

0
639

 

Shirkadda twitter ayaa ka noqotay go’aan ay dhowaan gaadhay oo ahaa in ay tirtirto dhammaan akoonnada aan muddo shaqayn, kaddib markii cadho weyn kala kulantay malaayiin dadka isticmaala ah oo ehelladooda oo geeriyooday ay akoonno ku lahaayeen.

Dadka cadhaysan ayaa shirkadda ka diiday in ay tirtirto xisaabta eheladooda geeriyooday, maadaama oo sida ay ku doodayaan uu go’aankani sababayo in ay waayaan akoonnada dadkii ay jeclaayeen oo u ah kayd ay ku ilaashadaan xusuusihii dadkaas.

Go’aanka shirkadda Twitter ayaa ahaa marka la gaadho 11-ka Bisha Koowaad ee 2020 ka, in ay tirtirto dhammaan akoonnada aan lixdii bilood ee u dambeeyey la gelin. Shirkadda Twitter lama mid ah shirkadda Facebook oo iyadu marka horeba macaamiisheeda siisa fursad ay ku dooran karaan sii jirista akoonkooda marka ay geeriyoodaan kaddib ama tirtiristiisa. Sida oo kalana dadka ehelka la’ ah qofka geeriyooday siisa fursad ay kula sii noolaan karaan xusuusaha qofkooda ugu jiray akoonkiisa.

Shirkaddu markii ay go’aankan soo saartay ayaa dad aad u tiro badan oo macaamiisheeda ahi ay dareen cadho leh ka muujiyeen, sida oo kalana ay sameeyeen ol’oleyaal ay shirkadda ugu muujinayaan diidmadooda. Taas oo ugu dambayntii keentay in shirkaddu ay u soo dabacdo doonistooda.

“Waa aanu maqalnay cadhada ka dhalatay tirtiridda akoonnada dadka dhintay, go’aankaasi waxa uu ahaa qalad dhinacayaga ka yimi. Ma tirtiri doonno akoonnada aan shaqayn, illaa aanu hal-abuurno hab cusub oo dadku ay ku haysan karaan xusuusaha dadkooda dhintay” ayaa ay shirkaddu ku tidhi warmurtiyeed ay ka soo saartay markii ay go’aankeeda ka noqotay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here